Khadiija Diiriye: Isbedalkii dhacay waa la filayey (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa Wariyeyaasha kula hadlay hoolka doorashada xerada Afisyoone, waxayna ka mid tahay xildhibaanada u taagan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo maanta doorashadiisa lagu qaban doono halkaasi.

Khadiijo Diiriye oo sanado badan ku jirta baarlamaanka ayaa haatan dooneysa inay noqoto gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka oo marar hore ay isku soo taagtay, mana helin.

Wareysigaan ayey ku sheegtay inay rajo weyn ka qabto tartanka doorashada ee ay geleyso, waxayna shaacisay inay soo dhoweeyn doonaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan rajeynayaa 100% ay ila tahay in natiijadii xalay guddoonka dadka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan ay soo dhoweeyeen, maantana ay soo dhoweyn doonaan natiijada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad,” ayey tiri Marwo Khadiija Diiriye.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadalkeeda sii wata ayaa shaaca ka qaaday in isbedalkii xalay dhacay uu ahaa mid la filayey, isla-markaana ay iyadu qayb ka tahay isbeddalka, sida ay hadalka u dhigtay.

“Isbedalkii xalay dhacay waa la filayay sidii loo filaayey ayuuna u dhacay. Aniga qaanad kuma jiro markaan isbedalkaan ka mid noqday,” ayey markale sii raacisay.

Marwo Khadiijo Diiriye ayaa 5 sano ee lasoo dhaafay ka mid aheyd kooxda Farmaajo, gaar ahaan xildhibaanada taageersan, balse haatan waxay u muuqataa inay ka baxday garabka Villa Soomaaliya iyada oo la sheego inay leedahay wejiyo siyaasadeed oo kala duwan.