Khadiija Diiriye iyo Xamza oo hadallo kulul is-dhaafsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Xamza Saciid Xamza ayaa is dhaafsaday hadallo kulul oo ku aadan shaqada wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha.

Labadaan wasiir ayaa shaqada labadaas wasaaradood loo kala wareejiyey markii uu xafiiska yimid ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna wasiir Khadiija ka soo jawaabtay dhaliil uu wasiir Xamza u jeediyey wasaaraddii ay ku wareejisay.

Wasiir Xamza Saciid ayaa warbaahinta u sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda dhalinyarada uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad laba sano ah, mushaarna iska qaadanaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa ka soo jawaabay, waxayna wasiir Xamza ku eedeysay in markii la bedelay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka’.

“28-OCT/2020 ayuu igu wareejiyay xilka Wasaaradda Gargaarka iyo MM XJFS ilaa haddana wuxuu heystaa gaarigii hantida wasaaradda lagu iibiyay weliba iyadoo uu amar ku bixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka inuu soo celiyo ilaa iyo haddana lagama haayo. Hanti Qarana waligeey la iguma eedeyn,” ayey wasiir Khadiija ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga.

Wasiir Xamza ayaa yiri, “Habeenkii aan la wareegay xafiiska wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, waxaan waayay xafiis aan subixii u shaqa galo, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiraan mushaarkana ay iska qaadanayaan, runtii waxay taasi igu noqotay mushkilad weyn oo meesha ka jirtay.”

Wasiir Khadiija oo ka jawaabaysay eedeynta Xamza ee xafiiska iyo fasaxa shaqaalaha la xariirta ayaa tiri, “War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa. Wasiir Xamze waxaad ka mid ahyed golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS.”