26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Khamenei oo jawaab kasoo saaray hadalkii Trump

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa Arbacadii ku adkeystay in dalkiisu uusan marnaba is dhiibi doonin, isaga oo uga digay Maraykanka in uu wajihi doono “khasaaro aan la hagaajin karin” haddii uu si toos ah uga qayb qaato colaadda.

Hadalka Khamenei ayaa imaanaya maalintii lixaad ee dagaalka uu socdo, iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in uu “u furnaan karo” inuu faro-geliyo dagaalka ama aanu faro-gelin, balse weli dalbanaya in Iran ay “si shuruud la’aan ah isku dhiibto.”

Dagaalka ayaa qarxay Jimcihii markii Israa’iil bilowday duqeymo culus oo ballaaran, taasoo Iran ka jawaabtay iyadoo adeegsatay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye wadin (drones).

“Qaran ahaan marnaba isma dhiibi doonno,” ayuu yiri Khamenei oo ka hadlayay khudbad uu jeediyay, isagoo ku tilmaamay dalabka Trump mid “aan la aqbali karin.”

“Maraykanku waa inuu ogaadaa in faro-gelin ciidan ay keeni doonto khasaare aan dib loo hagaajin karin,” ayuu sii raaciyay.

Khamenei oo hayay awoodda ugu sarreysa dalka Iran tan iyo 1989-kii, isla markaana ah go’aamiyaha kama dambeysta ah ee arrimaha dawladda, ayaa hore u ballanqaaday in dalkiisu “uusan u naxariisan doonin” hoggaamiyeyaasha Israa’iil.

Dhanka kale, ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (Revolutionary Guards) ayaa sheegay inay ku rideen gantaalaha xawaare sare leh ee Fattah-1 magaalada Tel Aviv.

Gantaalaha hypersonic-ga ah ayaa ku safra xawaare ka badan shan laab xawaaraha codka, waxayna awoodaan inay is rogrogaan inta ay hawada ku jiraan, taasoo ka dhigaysa kuwo aad u adag in la ogaado ama la soo rido.

Inkasta oo aan la xaqiijin in gantaal ku dhacay Tel Aviv habeenkii la soo dhaafay, sawirro ay heshay wakaaladda AFP ayaa muujinayay nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil oo hawlgalaya si uu uga hortago gantaallada ka dul socda magaalada ganacsiga ah.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa kiciyay saadaasha ku aaddan faro-gelinta Maraykanka isagoo Tallaadadii saxaafadda u sheegay: “Waxaa dhici karta inaan sameeyo, ama aanan sameyn — cidna ma oga waxa aan damacsanahay.”

Maalin ka hor taas, Trump ayaa ku faanay in Maraykanku uu awood u leeyahay inuu dilo Khamenei.

“Waxaan si sax ah u ognahay halka uu ku dhuumanayo ninka is yiraahda ‘Hogaamiyaha Sare’. Waa bartilmaameed fudud, balse halkaas wuu ku badbaadsan yahay — lama dilayo, ugu yaraan hadda ma ahan,” ayuu ku qoray barnaamijkiisa Truth Social.

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa carrabka ku adkeeyay in Trump uusan weli go’aan rasmi ah ka gaarin in Maraykanku si toos ah ugu lug yeesho dagaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News