Khamenei oo kashifay danaha mideysan Mareykanka iyo Daacish ee Afgaanistaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka Iraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Mareykanka ay qalqal amni ku heyso dalka Afqanistan.

Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay xiligaan adeegsaneyso Kooxda Daacish ee laga soo eryay dalka Syria iyo dalal kale oo dhowr ah, waxa uuna tilmamay in Daacish ay ku garabsiinayaan sida ay u saldhigan lahaayen Koonfurta Aasiya.

Khamenei, waxa uu farta ku goday in ujeedka uu Mareykanka u garabsiinaayo Daacish ay tahay si ay u xaqiijiyaan joogitaankooda ciidan ee gobolka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Qaraxyadii is xigxigay ee ka dhacay Kapul uu waxbadan ka ogaa Mareykanka.

Khamenei ayaa yiri ‘’waxaan qireynaa in mareykanka uu kooxda argagixisada Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya usoo wareejiyay dalka Afgaanistaan. Ujeedka ayaa ah in mareykanku xaqiijiyo joogitaanka ciidamadiisa ee gobolka iyo in ay ilaaliyaan amniga taliska dulmiga badan ee Israil’’  ayuu yiri Ayatollah Khamenei.

Ayatollah Khamenei ayaa intaa raaciyay ‘’Waxaan talaabada ceynkaan ah ku tilmaami karnaa in mareykanku uu usoo jeestay burburka afgaanistaan, waxaanu ka digeynaa in xiligaan dib loo soo nooleeyo Daacishta laga sii tiraayo adduunka’’

Kooxda Daacish oo ka faa’iideysaneysa nidaam darrada iyo fowdada ka jirta Afgaanistaan ayaa ku sal balaarsadeen bariga iyo waqooyiga Afgaanistaan.

Dhinaca kale, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in labadii weerar ee is xigxigay kana dhacay dalka Afgaanistaan ay si wada jira uga danbeeyen Mareykanka iyo Daacishoo dano fog ka leh Gobolka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com