Khasaaraha DAGAALKII Galgaduud oo kordhay iyo go’aanka GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal laba maleeshiyo beeleed shalay gelinkii dambe ku dhex-maray deegaanka Kaxandhaale oo hoostaga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Falagle oo wareysi siiyey BBC-da ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay dib u soo laabashada colaadda ka taagan halkaas iyo in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in dagaalkii shalay ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix qof, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Galmudug adeegsan doonto awood, si ay gacan bir ah ugu qabato maleeshiyaadka dirirta ka wada qeybo ka mid ah deegaanadeeda.

“Nasiib darro weyn weeye dib usoo laabashada dagaal beeleedka, 6 ruux ayaa geeriyootay tiro kale waa dhaawac, Galmudug way u istaagtay oo gacan bir ah ayay ku qabaneysaa dadka ka dambeeya arrintaan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Dagaalka waxaa soo celceliyay marka heshiis la gaaro oo Odoyaashu ku guuleystaan ciidamadana laga soo qaado muddo kaddib waxaa dib u bilawda dirirta”

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase weli is horfadhiya dhinacyadii dagaalamay oo haatan laga dhex-bilaabay waa-waan, si loo joojiyo xabaddda.

Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabta dagaallada waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii