Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda PSF iyo DENI oo ogolaaday qodob xasaasi ah

Boosaaso (Caasimada Online) – Wada-hadallo u socda maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana laga rajo qabaa in heshiis lagu gaaro.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalladan oo maalmihii tegay ka socday Boosaaso, ayaa la isku fahmay qaar ka mid ah qodobada aadka la isugu hayey. 

Xukuumadda Deni ayaa waxaa wada-hadallada ku matalaya wasiirka maaliyadda, Xasan Shire Cabdi, iyo wasiirka warfaafinta, halka Diyaano ay matalayaan odayaal, siyaasiyiin iyo ganacsato ay reer ahaan is-xigaan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qodobada horumarada wanaagsan laga sameeyay ay ka mid yihiin wareejinta dhulka hay’adda iyo xil-wareejin rasmi ah oo uu sameeyo hogaankii hore ee hay’adda. Dhulka hadda xarunta u ah hay’adda waxaa iska leh qoyska Diyaano.

Taa beddelkeeda dowladda ayaa ogolaatay in qaar ka mid ah hubka iyo gaadiidka dowladda oo kooban loo dhaafo Diyaano, si uu ugu adeegsado amnigiisa shaqsiga ah. 

Qodobka hubka iyo gaadiidka ayaa ahaa midka ugu xasaasisan, oo uu horey u diiday madaxweyne Deni, markii ay odayaal soo jeediyeen in dhammaan hubka iyo gaadiidka uu haysto Diyaano loo dhaafo, balse xalka ah in qeyb loo dhaafo ayaa u muuqda mid meel-dhexe ah.

Qodobkan ayaa waxaa Khamiistii soo jeediyey 12 ka mid ah Isimada Puntland, oo qoraal ay soo saareen ku yiri “waxaan soo jeedinay; n hantida PSF looga reebo agaasmihii hore agab iyo ciidan ku filan aminigiisa maadaama uu ku soo shaqeeyey xaalado adag.”

Waxay sidoo kalemsoo jeediyeen inay dhaqangasho digreetadii madaxwwaynaha Puntland, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedaduna ahayd xil-lka qaadistil lagu sameeyey agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, laguna magacaabay Sarreeyo Guuto Maxamed Amiin Xaaji Cabdullaahi Khayr.

Dadaallada socda ayey u badan tahay inay dagaal ka badbaadiyaan magaalada Boosaaso oo toddobaadkii tegay qarka u istaagtay dhowr mar, waxaana la filayaa in heshiis rasmi ah lagu dhowaaqo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii