Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa shil gaari oo maanta ah ka dhacay gudaha wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Shilkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo dumar ah, kuwaasi oo la sheegay inay ka shaqeeyaan wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Labada haween ah ee ku dhaawacmay shilkaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Layla iyo Maariya.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in gaariga shilka geystay uu lahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo macdanta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Gaariga ayaa la sheegay in uu ahaa nooca aan xabadda karin. Weli si rasmi ah looma xaqiijin waxa keenay shilkaan.
Dhaawacyada ka dhashay shilkaan gaari ee ka dhacay gudaha wasaaradda warfaafinta ee Muqdisho ayaa loo qaaday isbitaalka Digfeer, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.
Sidoo kale laamaha amniga ayaa lagu wareejiyay darawalkii waday gaariga, kadib markii uu shilka dhacay, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.
Intaas kadibna wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay gaariga, kadib markii darawalkii waday loo gacan galiyay laamaha amaanka.