Khasaare dhimasho leh oo ka dhashay weerar xalay ka dhacay degaanka Janaale

Afgooye (Caasimada Online) – Faha faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bambaanooyin oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday bar-koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi, waxaana ka dhashay khasaare xoogan.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka iyo wiil yar oo 12 jir ahaa ayaa ku dhintay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Askarta geeriyootay ayaa waardiye ka hayey koontaroolka uu xalay weerarka ka dhacay, waxaana goor dambe meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarka, kadib ay howl-gal qaadeen ciidamada dowladda, isla-markaana ay dileen nin lagu tuhmayo weerarka, kaas oo la sheegay inuu caan ka ahaan Janaale, isla-markaana marar badan lagu xiray saldhigga deegaankaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, hayeeshee ciidamada Xoogga dalka ayaa isku fidiyey agagaarka deegaanka Janaale, kadib weerarka xalay lagu soo qaaday deegaankaasi.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen weerarka iyo howl-galka xigay, waxaana si aadi ah saaka u socda dhaq-dhaqaaqa dadaka & gaadiidka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo beegsado xarumaha ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.