Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika, kadibna loo sii geystay…

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dil iyo boob muwaadin Soomaaliyeed xalay loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika, falkaas oo ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday marxuumka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha magaalada East London ee dalkaasi, waxaana marxuumka lagu macaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Ismaaciil Kiish.

Sidoo kale marxuumka ayaa ahaa nin oday ah oo si weyn looga yaqaanay magaalada East London oo ay dagan yihiin ganacsato badan oo Soomaali ah & guud ahaan Koonfur Afrika.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda burcadda ah marka ay dileen marxuumka, kadib in ay dhaceen dhammaan hantidii u taallay dukaanka, iyaga oo sidoo kale burburiyey Kaamirooyinkii ku xirnaa goobtaasi, si aan loo aqoonsan marka ay yimaadaan Booliiska

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa meesha tegay, kadib dilka iyo booka loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed, waxayna sameeyeen baaritaano kooban.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ka hadlay dilka loo geystay marxuumka ayaa walaac ka muujiyey, waxayna ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato dilalka, dhaawaca iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi.

Koonfur Afrika ayaa waxaa ku badan dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi.