Rooble oo war cusub kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray kulan maanta uu Rooble la yeeshay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, kaas Ra’iisul Wasaaraha loogu gudbiyey cabasho la xariirta caqabado ku hor-gudban in la guda galo baaritaanka kiiska Ikraan.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in kulankaas maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay qoyska Ikraan Tahliil ku soo bandhigeen cabasho ay ka qabaan caqabado ay sheegeen in ay  ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada oo loo xil-saaray baaritaanka kiiskaas.

“Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad, kuwaas oo mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan una soo gudbiyaan cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay  ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada, si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan, ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu galabta mar kale ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka gali doonin kiiska Ikraan, ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin un, ha dhawaato ama ha dheeraatee.

“Waxa uu RW Rooble qoyska Ikraan Tahaliil  uga garaabay xanuunka ay ku heyso gabadhooda oo aan nolol iyo geeri midna lagu heynin  ,waalidna uu yahay oo uu qiyaasi karo murugadooda, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo, inshallah maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska,” ayuu afhayeenka xukuumaddu ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Hooyada dhashay Ikraan Tahliil, Maama Qaali Maxamuud Guhaad oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in maxkamadda ciidamada ay ku war-gelisay in baaritaanka kiiskaas uu ka dhaqaaqi waayey saraakiisha uu Farmaajo u magacaabay taliska NISA ee Habar-Khadiija jooga, halkaas oo ah xaruntii lagu waayey, kana ka howlgeleysay Ikraan.