Daawo: Hooyo Qaali oo shaacisay arrin maxkamadda ciidamada ay ku war-gelisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo caawa mar kale ka hadashay kiiska gabadheedii Ikraan Tahliil Faarax ayaa shaaca ka qaaday in maxkamadda ciidamada ay ku wargelisay in la is-hortaagay baaaritanka kiiska Ikraan.

Hooyo Qaali Maxamuud ayaa sheegtay in Farmaajo uu ka hor istaagay meel kasta oo baaritaanka kiiska gabadheeda laga bilaabi lahaa, iyadoo maxkamadda ciidamada ay qoyska Ikraan u cadeysay in taliska NISA uu Farmaajo u magacaabay uu hor istaagay baaritaanka kiiskaas.

Waxay umadda Soomaaliyeed ka dalbatay in aysan ka daalin garab istaagooda, illaa inta ay cadaalad ka helayaan, iyadoo fariin u dirtay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Farmaajo.

“Waxaan leeyahay Farmaajow Ilaaheygii ku abuurtay uga baq kiiska gabadheydii masaakiinta aheyd ee dalkeeda iyo dadkeeda ugu timid inay wax u qabato, inay cadaalad hesho,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.

Waxay intaas ku sii dartay, “Kiiskaan dadka ku lugta leh waxay ku badbaadi karaan in gabadheydii oo nool la keeno, cid wax u raaca meyno markaas, gabadheena gacantaan ku dhageynaa waan wadaneynaa, laakiin hadii aad disheen ka wareega baaritaanka, waxaan ku qanci karnaa in tiirka la geeyo dadkii dilay Ikraan.”

Waxay sheegtay in kiiskaan uusan weligiis ka hari doonin kuwii ku lugta lahaa oo meel kasta ay dacwo ka furanayaan, iyadoo dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga kale ee adduunka ka dalbaday inay ku garab siiyaan cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil.

“Dadka u mooda in kiiskaan uu iska demaayo, taasi ma dhaceyso, waxaa jooga Aabaheed, adeeryaasheed, iyo abtiyaasheed, wax aan cadaalad aheyn kuma qanceyno, waxaan u sheegayaa Farmaajo, Alle ka baq, hadii Ikraan kuu xiran tahay soo daa gabadheyda, hadii aad disheena ku kuwii dilay tiirka hanaloo geeyo, si kale kuma qanceyno,” ayey tiri.

Ugu dambeyntii Hooyo Qaali waxay sheegtay in maanta ay la kulmeen Ra’iisul wasaare Rooble, si ay ugala hadlaan kiiska Ikraan, “Rooble waxuu taagan yahay mowqifkiisii shalay oo ah in Ikraan ay cadaalad hesho, waan uga mahad celinaa taas, waa nin Islaam ah oo u taagan in gabadheydii ay cadaalad hesho, Allaha xafido ayaan leeyahay Rooble, waxaan ahay Hooyo dhibane ah, oo markii umaddu seexato murugo lasoo jeeda, qofkii maanta cadaaladda cunugteydii hor taagan, Ilaahey ayaa xaq kasoo ifi doona,” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.

Hoos ka daawo