Daawo: Xildhibaan Aamina oo shaacisay 4 caqabad oo laga baari waayey kiiska Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo caawa warbaahinta la hadashay ayaa shaacisay in saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay u xaqiijiyeen in baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax ay billaabi waayeen oo caqabado badan ay hareeyeen.

Xildhibaan Aamina iyo qoyska Ikraan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay kala hadleen baaritaanka kiiska.

“Sida aan ka warqabno baaritaankii kiiska Ikraan Tahliil ee aan geeynay maxkamadda wuu dhaqaaqi la’yahay sababo la xeriira dadka kiiska lagu tuhmayay oo awoodda dowladda isku qarinaya. Maxkamadda iyo xeer ilaalinta waxa ay noo cadeeyeen in kiiska iyo halkii laga abaari lahaaba ay is-hortaagtay madaxtooyada iyo hogaanka ay u aqoonsan yihiin taliska NISA,” ayey tiri Xildhibaan Aamina.

Xildhibaan Aamin ayaa sheegtay in kiiskaan ay ku geedaaman yihiin caqabado badan oo aan suurta-gelineyn in si dhab ah loo baaro, sida ay la wadaageen saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ra’iisul wasaare Rooble uu u xil-saaray baaritaanka kiiska Ikraan.

Waxay soo bandhigtay afar qodob oo saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ay u sheegeen inay kala kulmeen Taliska NISA ee Farmaajo magacaabay, kuwaas oo ay ku cadeynayaan inay u suurta gelin weysay guda-galka baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, kuwaas oo kala ah:

1 – In Taliska NISA ee Habar-Khadiijo oo ah xaruntii ay ka howl-geli jirtay Ikraan loo diiday baarayaasha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

2 – In Taliska NISA uu joogo Yaasiin Farey oo ka mid ah saraakiisha NISA ee ku eedeysay afduubka iyo dilka Ikraan, taas oo aan suurta gelineyn inuu bilowdo baaritaanka kiiskaas.

3 – In saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida loo diiday kaamirooyinkii ku xirnaa xarunta Nabad sugidda iyo agagaarkeeda, iyadoo loo sheegay in dhamaan la tirtiray muuqaaladii ay kaamirooyinkaas.

4 – In Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka si cad loogu sheegay in aan loo faxi doonin baaritaanka kiiskaas oo aysan heli doonin cid kasta oo ay rabaan inay wareystaan.

Waxay ku eedeysay saraakiisha NISA ee Farmaajo magacaabay inay ku howlan yihiin baabi’inta caddeeymihii kiiska oo ay ugu horeeyaan kaamirooyinkii in la tirtiro.

Xildhibaan Aamina ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeysay inuu cadeystay in kiiskaan uu wax ka ogyahay, marka la fiiriyo tallaabooyinka uu qaaday ee ku carqaladeynayo iyo sida uu uga aamusan yahay.

Intaas kadib waxay sheegtay Xildhibaan Aamina in iyada iyo qoyska Ikraan ay la kulmeen Ra’iisul wasaare Rooble oo ay kala hadleen kiiska Ikraan iyo waxa uga qorsheysay, waxayna sheegtay inuu mar kale u balan qaaday in kiiska Ikraan uusan marnaba gorgortan ka galeyn ilaa caddaalad loo helo.

Hoos ka daawo