Doorashada AQALKA HOOSE oo la billaabayo kadib kulan ka dhacay xafiiska ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaalka iyo guddiga maamulka doorashada kuraasta BFS ee gobollada waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankaas warbixin uga dhageystay guddiyada doorashooyinka heer federaal (FEIT) iyo kan maamulka doorashada gobollada woqooyi ee (SEIT).

Xubnahaan loo xil saaray maamulka doorashooyinka dalka ka socda ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyey warbixino ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada golaha shacabka ku matali doona Somaliland.

Sidoo kale kulankii galabta waxaa ka qeyb galay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiyada kala duwan ee uu la kulmay waxa uu kula dardaarmay inay dardar-geliyaan howlaha horyaalla oo ay ugu horeyso soo xulista ergooyinka iyo bilaabidda doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay xareynayaan qaar

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo dhameystiro inta ka dhiman kuraasta golaha Aqalka Sare oo lix kamid ah ay ku dhimantahay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug. Waxaana markii lasoo dhameystiro Aqalka Sare la bilaabi doonaa doorashada golaha shacabka oo haatay ay qaban qaabadeedu socoto.