Faarax Qare oo shaaciyey tallaabada ay Soomaaliya qaadeyso haddii ay ku guuleysato kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) kana mid ah guddiga ay Soomaaliya u xilsaaratay dacwadda Badda Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka hadlay sida uu noqon doono go’aanka la filayo inuu 12-ka bishaan kasoo baxo Maxkamadda ICJ.

Faarax Qarre ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay iyada muran gelisay badda ay leedahay Soomaaliya, taasina ay keentay in dacwad laga wada furto Maxkamadda ICJ haddana an Kenya laga aqbali karin inay dhahdo waan ka baxay.

“Annaga waan ognahay inaan badda leenahay, Kenya iyadaa muran gelisay baddeena markii maxkamadda dacwadda loo gudbinayey way aqbashay, dhowr kulan oo maxkamadda ahna way kasoo qeybgashay, hadda markii ay ogaatay in dacwadda looga adkaan rabo lagama yeelayo waan ka baxnay,” ayuu yiri Faarax Qarre.

Mar wax laga waydiiyey go’aanka ay qaadan karto Soomaaliya haddii loo xukmiyo lahaanshaha badda ayuu yiri “Soomaaliya waxay leedahay dowlad, tallaabada ay qaadi doontana way caddahay, waxaana la sugeynaa waqtigeeda marka la gaaro”.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay inaysan aqbali doonin go’aanka maxkamadda ICJ ee soo baxayo 12-ka Bishaan, waxayna sheegtay inaysan aqoonsaneyn maxkamadda.

Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac.

Hoos ka dhageyso Faarax Qare