Khasaare ka dhashay weerar xalay ka dhacay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday Toorey oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Weerarka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen dhalinyaro wada-dagan magaaladaasi, kuwaas oo isku adeegsaday Tooreeyo ama Mindiyo.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan labo dhalinyaro ahaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

“Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa lagu dilay Mindi, kadib markii ay isku dhaceen dhalinyarada labo xaafadood oo katirsan Magaalada Boosaaso, waa ay baxsadeen balse baaris ayaa socota,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, iyaga oo gacanta ku dhigay tiro dhalinyaro ah.

Saraakiisha ayaa ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay daganaan muujiyaan, waxaana ay tilmaameen in qaar ka mid ah dhalinyarada lagu eedeeyey falkaasi ay haatan ku xiran yihiin xasbiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, balse dadka deegaanka ayaa hadal haya dhacdadaasi oo ah mid ugub ah.