Maxaa SOOMAALIDA kala gudboon dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya?

Soomaalidu, meel ay joogtaba, waxay aad ugu mashquushay dagaalka ka qarxay Itoobiya ee u dhexeeya dowladda dhexe ee dalkaas iyo maamul goboleedka Tigreega. Siyaabo kala duwan ayay uga falceliyeen ammuurta murugsan ee dalkaas ka taagan. Qaar badan oo siyaasiyiinta Soomaalida ka mid ah, sida madaxweyanaha Soomaali-Galbeed Mustafa Cagjar iyo wasiirka amniga ee Galmudug mudane Fiqi, ayaa ku dooday in ay Soomaalidu garab siiso dowladda dhexe ee Itoobiya si loo dhib-tiro kooxdii dhiigyacabka ahayd ee Tigreega taasoo haatan ku dhuumaalaysanyo ismaamulka Tigreega. Sidoo kale, aqoonyahanno Soomaali ah, sida Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), ayaa iyaguna qabo in colaadda halkaas ka aloosantay ay Soomaalidu khatar ku tahay in ka badan inta ay Itoobiya ku tahay. Rashiid Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed iyo aqoonyahan waqti dheer ka shaqaynayay Geeska Afrika wuxuuba gaaray inuu ku doodo in aan Tigreega la jabin karin. Haddaba Soomaalida maxaa uga bannaan dagaalkaan? In ay dhinac xoojiso se dani ma ugu jirtaa?

Marka kowaadba haddaad si hoose u eegto qaabka aan u dhuun-daloolno dagaalka iyo xaaladaha ka socdo Itoobiya waxaa kugu dhalanayo cabsi weyn. Waxaad ismoodsiin in dadkiiba ay Itoobiyaan noqdeen. Waxaa uu shaki kaa gali in dagaalku ka socdo gudaha Soomaaliya. Itoobiya dagaalka ka socdo uma dhawa Soomaalida. Meesha uu hadda ka dhacayo waa cirifka ugu shisheeyo ee dalkaas. Qaxootigiisu masoo gaaro Soomaalida jid ay u maraanna ma jiro oo waxaa ka xigo qowmiyado badan. Haddii uu sii xoogaysto oo gudaha Itoobiya kusoo fido, waa un sannado badan ka dib marki uu soo gaaro xudduudaha Soomaalida. Haddaba, iyadoo xuddunta dagaalku intaas noo jiro, oo uusan nooga dhawyn midka ka socdo ama muddo dheer ka socday Koonfurta Suudaan, maxaa keenay inaan sidaan ugu mashquulno? Ma Itoobiya ayaa naga xigto Koonfurta Suudaan? Ma innagi ayaa isu qabno Itoobiyaan oo jirkaa nala gubanayo dagaalka dalkeenna ka qarxay? xaqiiqdi waa su’aalo aan jawaab loo hayn. Waa cajaa’ib yaab leh oo na tusaysa sida aan ugu sigannay inaan isu dhiibno Itoobiya. hubaal waxaa ah in qalbigeennu Itooboyaannimo gashay intay doontaba ha la ekeetee! Waxaa halkaan ugu socdaan inaan iraahdo, waxaaba gabi ahaanba khalad ah inaan sidaan ugu mashquulno dagaal sokeeyo oo dal khalaad ka socda.

Labo, Itoobiya waxa ka socda waa dagaal sokeeyo oo dad iyo dowladdiisa u dhaxeeyo. Shacab ahaan, meelna noogama bannaana in qayb ka noqonno dagaal sokeyo oo aan dalkeenna ka socon. Qayb ka noqoshada ama kala taageeridda labo kooxood oo dalkooda isku haysa waxay ka dhigan tahay inaan ka mid nahay oo aannan meelna uga baxsanayn. Sidaa darteed, shacabka Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyadiisasinnaba ugama qayb qaadan karaan dagaalkaas. Xagga dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamullada ay qusayso sida kan Soomaali-Galbeed iyagu mowqif way qaadan karaan aan aad u xoogganayn. Waxaan u jeedaa inaan iraahdo waa ay ka hadli karaan laakiin ma habboona inay cudud iyo calaf kaga qayb galaan. ka hadlidda waxaan ka wadaa inay cambaareeyaan ama soo dhaweeyaan hadba kan ay u arkaan in dantoodu ku jirto. Laakiin maslaxo Soomaaliyeed kuma jirto in Abiy loogu kaalmeeyo dagaalka si uu dhaqso ugu soo afjaro.

Waxaa laga yaabaa inaad u qaadato inaan u beer jileecayo Tigreegi na gumeeyay. Maya! Xaasha! Kuwaas gumeyntooda waa waxa aan ugu farxad badnahay inaan maqlo. Laakiin Walaalka Soomaaliyeedow yaan lagaa gadin in dhibka Tigree kaliya ahaa. Waxaa na dhibaateeyay, khatarta galiyay jirintaankeenna ilaa haddana khatar nagu ah waa Itoobiya ee Tigree maaha. Tigree xukuumaddi Itoobiya ayuu madax ka ahaa, isla Itoobiyadii iyada ahayd oo isla ujeeddadi qabto, hadafku isla kii yahay ayuu hadda Abiy Axmed hormuud ka yahay. Taasu waxay ka dhigan tahay inta uu mashquulsan yahay waa dhib iyo dhibaato naga mashquulsan. Haddii se loogu kaalmeeyo inuu dhaqsoo afjaro dagaalka, waxaa uu usoo jeesto waa siyaasadda arrimaha dibadda taas oo ay kow tahay danaha ay Soomaaliya ka leeyihiin.

Hadalkayga ha u qaadan mid xaasadnimo ku dhisan. Dhimashada carruurta iyo hooyooyinka qaxayo marnaba kuma farxayo. Sidoo kale i faraxgalin mayso dhimashada shacab iyo barakaca dad Afrikaan ah. Balse waxaan ka hadlayaa waxaa ay tahay in aan annagu qayb ka noqonno kuwa is barakicnayo ama islaynayo oo marki ay kala bogtaan nagu soo jeesan doono. Xasuusnow, in Tigreegu Soomaalida usoo jeestay shan sannadood ka dib markuu xukunka xoogga ku qabsaday. Intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1995, wuxuu ku mashquulsanaa siduu u xasilin lagaa gudaha dalkiisa. Soomalida uu haytso iyo tan dariska la ahaydba wuxuu isaga dhigay Males inuu xabiib jecel u yahay. Waxaan soo gaaray iyadoo la yiraahdo Itoobiyada cusub tii hore maaha iyo Males Soomaaliya ayaa wax bartay oo Soomaalida waa uu jecel yahay. Abiy Axmed inuu isla jidkii Males hayo ayaan aamminsanahay. Waxaa uu doonayaa inuu isa suuxiyo inta uu ka xasilanayo siyaasadda gudaha dalkiisa, markii uu midigta ku dhigo Itoobiya oo dhanna uu isku dayi noo inuu noqdo Males kale.

Waxaan fursad haysannaa inta Itoobiya isku mashquulsan tahay. Mar walba oo xallinta xiisadaha gudaha Itoobiya daba dheeraato waxaan helaynaa fursad aan dalkeenna ku nabadayno oo aan ku xirno albaab walba oo uu cadowgu naga soo gali lahaa. Haddii se aan fududayno Itoobiya inay si dhaqso ah u xasisho, waxaan soo dadajinnay dhibaato aan ka baaqsan karnay iyo mowjado aan ku mashquuli doonno sidaan isaga muusi lahayn. Warki oo kooban xaaladda Itoobiya aan ka dhigno “qori iyo qiiqiis waa la isla tuuraa”.

Ibrahim Aden Shire – Waxaad kala xiriiri kartaa email: ishire86@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid