Khasaare xooggan oo ka dhashay weerarkii hoobiye ee lagu soo qaaday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno ayaa ka soo baxaya hoobiyaal maanta kusoo dhacay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo khasaare xooggan dhaliyey.

Hoobiyaasha ayaa kusoo dhacay xaafado ku yaalla degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen dadka xaafadda iyo goobaha caafimaadka. 

Hoobiyaasha ayaa la xaqiijiyay in laba ka mid ah ay ku dhaceen guri tacsi ay taalay oo ku yaala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay iney ku dhinteen laba qof oo ku sugnaa guriga, ayna ku dhaawacmeen 8 qof oo kale. 

Sida ay sheegeen dadka xaafadda, dadka ku dhaawacmay hoobiyeyaasha waxaa la sheegay iney u badnayeen haween oo ay ku jirtay gabar Xaamilo aheyd, kuwaas oo la geeyay xarumaha Caafimaadka magaalada Muqdisho. 

Sidoo kale, mid ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay guri dad shacab ah degan yihiin oo ku yaalla Isgoyska Jubba, waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhaawac, inkasta oo weli aan la hayn tirada rasmiga ah.

Waxaa sidoo kale jira hoobiyeyaal kale oo iyagana ku dhacay xaafado ku yaalla agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, hase yeeshee lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraallo ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta ku sheegatay weerarka. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen xarunta booliska gobolka Banaadir, xilli ay ku sugnaayeen saraakiil sare, sida ay hadalka u dhigeen.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqanaya mid faraha kasii baxaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceen falal kala duwan oo isugu jiray dilal qorsheysan, iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo madaafiicda maanta.