Dhibaato kale oo loo gaystay qoysaskii ka barakacay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xaalad adag ay heysato qoysaskii ka barakacay dagaallada weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo ku dhaqan duleedka magaaladaaasi.

Xaaladda dadkan oo ay haysato hoy la’aan iyo cunto xumo ayaa haddane la kulmay dhibaato kale oo hor leh, kadib markii la musuq-maasuqay gargaarkii loogu talagalay.

Dr. Fowsiyo Daahir oo ka warrantay xaaladda dadkaasi ayaa shaaca ka qaaday in raashinkii loo geeyay la kala boobay, isla-markaana meesha la’isku laayay, kadib dagaal ka dhacay.

“Raashinkii waxa ay noqotay in intii dadka meel la’isugu keenay la diiwaan-geliyay oo howshu inta ay dadka ku badatay wax la diiiwaan-geliyay iyo wax wax qaatay la kala garan waayay oo mashruuc noqotay oo meeshii la’isku laayey kadib buuq ka dhashay” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in qoysaska qaar ay qaateen raashin badan, halka kuwa kelana ay la’yihiin wax ay haatan dabka saartaan.

“Dadka qaarkood way ku cesh-ceshadeen raashinka, qaarna aysan dha-dhaminba oo wallaahi dabka waxa ku shitaan ay la’yihiin,” ayey sii raacisay Dr. Fowsiyo Daahir.

Dhinaca kale waxa ay eedda dusha ka saartay guddiga loo sameeyay dadkaas ee loo dhiibay gargaarka, waxayna sheegtay inay gabeen mas’uuliyaddii ka saarneyd dadkooda.

“Meesha aan guddi an fiicneyn loo dhiibay ayey meeshii isku dhex qasantay dadkii deegaanka iyo kuwii soo barakacay ayaa la kala garan waayey,” ayey marki tiri Fowsiyo.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, wuxuuna dagaalka uu galay maalintii 25-aad, walow maanta deganaasho laga dareemayo magaaladaas oo uu bubur xoogan soo gaaray.