Taliyaha ciidanka Somaliland oo shaqada laga joojiyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaysa in Taliyaha Ciidamada Militariga Somaliland lagu sameeyay shaqo joojin, galabnimadii Axadda ee toddobaadkan.

Taliye Nuux Taani ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii Ciidamada Somaliland ayguulo ka keeni waayeen dagaalka ka socda gobolka Sool, ayaga oo soo banneeyey Talisyadii Tukaraq iyo Gambadhe.

Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale maalintaas banneeyay dhammaan difaacyadii dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo muddo ku dhow bil uu ka socda dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo dadka deegaanka.

Dagaalka Laascaanood ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan 120 qof, oo badankood ah shacab, halka in ka badan 600 oo kale ay ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweyne Muuse Biixi ayaa si ku meel gaar ah Taliska guud ee Ciidamada Somaliland ugu dhiibay S/Guuto Faysal Cabdi Bootaan oo hadda hoggaaminaya dagaalka.

Faysal Bootaan ayaa Muuse Biixi ka dhaadhiciyay in fashilka dagaalka uu mas’uul ka yahay Nuux Taani, taas oo keentay in isaga si KMG loogu dhiibo hoggaanka dagaalka, sida aan xogta ku helnay.

Somaliland ayaa rumeysneyd in si fudud ugu guuleysan karto dagaalka kuna qabsan karto magaalada Laascaanood, oo aysan dadka deegaanka is-hortaagi karin, hase yeeshee bil kadib waxaa weli magaalada ka socda dagaalka, ayada oo laga saari la’yahay ciidamada deegaanka.

Somaliland ayaa sidoo kale dagaalka ka dhaxashay sumcad xumo, ayada oo marar badan lagu eedeeyey inay beegsaneyso goobaha shacabka, waxaana ugu dambeysay Talaadadii oo lagu eedeeyey inay weerartay isbitaalka magaalada Laascaanood, kuna dishay dad shacab ah.

Arrintan ayaa horseeday cambaareyn caalami ah oo ka timid beesha caalamka, oo marar badan soo saartay qoraallo lagu cambaareynayo dilalka shacabka.