Faahfaahin: Qarax ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, isla-markaana uu si gaar ah uga dhacay busteejo laga raaco gaadiidka oo ku taalla xaafadda Aargada ee degmada Wadajir.

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan kuwa Minashiibiyada oo lacago canshuuro ah ka qaada goobtaasi, gaar ahaan baabuurta dadweynaha ee isaga kala goosha Xaafada Kaawa Godey iyo Bakaaraha.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay illaa siddeed ruux oo shacab ah, isla-markaana ay ku jiraan dumar ku sugnaa goobta xilliga uu qaraxa dhacayay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Somalia oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda Aargada oo uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa culeys xoogan soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.