Sawirro: Maxay yihiin ciidanka diyaaradda Ethiopian Airlines kasoo dajisay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta ciidamo cusub kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya howlgalka Midowgga Afrika ee ATMIS ee ka socdo gudaha Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ayaa ka yimid waddanka Uganda, waxayna ku biiriyaan ciidamada Booliska ATMIS ee haatan ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Illaa 144 sarkaal ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen saraakiil sare sare oo ka tirsan ATMIS.

Sidoo kale saraakiishan ayaa ku biiri doono 16 sarkaal oo kale oo horay u yimid Soomaaliya, waxayna ka hoos shaqeyn doonaa qeybta Booliska ATMIS.

Saraakiishan ayaa si gaar ah ula shaqeyn doono ciidamada Booliska Soomaaliya,  si ay taageero shaqo iyo tayayn u siiyaan dhiggooda Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidanka cusub ee FPU-da, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (ASP) Julian Asaasira oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta  ayaa sheegay in ciidamadan ay soo qaateen tababar heer sare ah, isla-markaana ay diyaar garoobeen in ay garab istaagaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee dhigooda ah.

“Si fiican ayaanu u tababarnay waxaan soo marnay tababarka qasabka ah ee ka hor inta aan la dirin lix bilood, kaas oo aan helnay xirfado nagu filan oo noo suurtageliya in aan si hufan u gudano waajibaadkeena,” ayuu yiri Julian Asaasira.

Ciidamadan ayaa noqonaya cutubkii 11-aad ee ay Boooliska Uganda u soo daad-gureeyaan Soomaaliya, si ay u taageeraan howlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika. Waxay sidoo kale ay bedelayaan cutubkii tobanaad oo dhawaan soo gabagabeeyay shaqadooda

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan kumanaan askari oo Afrikaan ah, kuwaas oo isugu jiro Boolis iyo Milatari, waxayna dowladda ka caawiyaan nabad-gelyada.

Si kastaba, keenista ciidamadan ayaa kusoo aadayso xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka uu ka socdo holwgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo laga gaaray.

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title