Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa Caawa ka dhacay Hotel Posh oo ku yaalla meel u dhow Isgosyka Banaadir ee Degmada Hodan.
Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah, waxaana la xaqiijiyay in lagu dhuftay iridka hore ee Hoteelka oo xiligaa aheyd mid mashquul badan.
Weerarka ayaa dhacay xili Hoteelka ay ku afurayeen dad farabadan oo halkaa isku diyaariyay xiliga afurka, waxaana la soo sheegayaa in Qaraxa uu galaaftay dhowr qof, halka kuwo kalane uu kasoo gaaray dhaawac culus.
Hoteelka ayaa waxaa ka shaqeeya Rag iyo dumar oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, kuwaa oo qaarkood la sheegay in la badbaadiyay, halka qaarna uu soo gaaray dhaawac culus.
Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Lix ruux oo u badnaa kuwo ku sugnaa iridka hore ee Hoteelka, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo Sideed ruux oo shacab u badan.
Rasaas xoogan ayaa waxaa weli laga dhex maqlayaa gudaha Hoteelka waxaana eeryada Hoteelka ku sugan ciidamo farabadan kuwaa oo gurmad u ah ilaalada Hoteelka iyo dadka shacabka ah ee ku jira gudaha Hoteelka.
Geesta kale, waxaa la maqlayaa dhawaqa gaadiidka gurmadka oo dhaawacyada kasoo daad gureynaaya Hoteelka oo weli laga dhex maqlaayo rasaas kala duwan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]