Khasaarooyinkii Farmaajo kasoo gaaray dagaalkii uu la galay R/Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Maxamed Cadullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa is qabtay laba jeer muddo ka yar 120 cisho.

Khilaafka labada nin ayaa sababay inuu Farmaajo laba jeer isku dayo inuu shaqada ka joojiyo Ra’iisul Wasaaraha, laakiin kuma guuleysan maadaama uusan jirin qodob dastuuri ah oo xaq u siinayo tallaabadaas.

Dagaalka labada nin wuxuu kamid ahaa waxyaabihii sida weyn dib ugu dhigay doorashadii Dalka. Labada xiisadba waxay ka yimaadeen dhanka madaxweyne Farmaajo.

Labada jeerba wuxuu Farmaajo difaacayey saraakiisha Hay’adda NISA. Dagaalkii Koowaad wuxuxu ka bilowday difaaca Fahad Yaasiin, dagaalka labaadna wuxuu ka dhashay kursiga Yaasiin Farey taasoo muujineysa sida ay xubnaha NISA muhiim ugu yihiin Farmaajo.

Haddaba, warbixintaan waxaan ku eegeynaa waxa Farmaajo uga khasaaray labadii dagaal ee uu la galay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dagaalkii Koowaad

Farmaajo wuxuu waayey oo xilkii laga qaaday taliyihii NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Hay’addii ayaana sumcad ahaan u burburtay, waxaana Farmaajo lagu tuhmay isaga inuu wax ka ogyahay kiiska Ikraan Tahliil.

Farmaajo wuxuu dagaalkii Koowaad ku waayey Wasaaradda Amniga. Wasaaradaan ka hor inta uusan dagaalka bilaaban waxaa joogay Xasan Xundubey oo dhanka Farmaajo jiray, laakiin markey xiisaddu qaraxday waa la bixiyey Xasan Xundubey waxaana la keenay wasaaradda Cabdullaahi Maxamed Nuur, taasi oo dhanka Ra’isul Wasaare Rooble marisay wasaaradaas muhiimka ah.

Heshiiskii labada nin ee lagu xalinayey khilaafkoodii Koowaad xubnihii dhanka Rooble ka socday waxay heleen xilal sida Bashiir Goobe oo Wasiiru-dowle qaatay iyo hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la siiyey mid kamid ah la taliyaashii Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waa Hey’ad kale oo muhiim ah oo dhanka madaxweyne Farmaajo gacantooda ka baxday. Nabadsugiddii oo ay wax badan gacanta ku hayeen kooxda madaxweyne Farmaajo waxaa lagu heshiiyey in taliyaha loo magacaabayo uu noqdo qof ay labada dhinac ka heshiiyeen, Rooblana uu keensado qofka noqonaya ku-xigeenka.

Illaa hadda taliye rasmi ah looma magacaabin Hey’adda Nabadsugidda, haddii uu Farmaajo kaligiis iska magacaabana waxaa laga baqayaa inuu Rooble diido.

Hay’adaan inkastoo ay weli awood ahaan dhanka Farmaajo jirto haddana in darafka lagula dhago ayaa kamid ah khasaarooyinkii Farmaajo kasoo gaaray dagaalkii Koowaad ee uu la galay Rooble.

Dagaalkii Labaad

Dagaalkii labaad ee bishii lasoo dhaafay ee welina aan la xalin waxaa isna Farmaajo uga lumay wax badan oo muhiim ah, waxaana kamid ah Wasaaradda Gaashaandhigga.

Markii uu dagaalka Labaad qarxay, Rooble wuxuu badalay wasiirkii Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji oo dhanka Farmaajo ka socday, wuxuuna keensaday Jaamac oo dhankiisa ah.

Taasi waxay ka dhigan tahay in dhammaan wasaaradaha qaabilsan Amniga laga bixiyey gacanta madaxweyne Farmaajo.

Dagaalkaan Labaad wuxuu Farmaajo ku waayey 7 xubnood oo kamid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka kuwaas oo dhankiisa ahaa balse uu shaqada ka eryey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana xubnaha la eryey ku jiray guddoomiyihii guddigaas.

Sidoo kale, wuxuu Farmaajo dagaalkaan Labaad ku lumiyey guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee heer Federaal Maxamed Xasan Cirro kaasoo dhankiisa ka socday, waxaana shaqo ka eryintiisa loo adeegsaday xubnaha guddiga. Haddana, hoggaankii guddigaan waxaa qaatay xubin dhanka Saciid Deni ka socda.

Khilaafkaan Labaad waxaa sidoo kale lagu ogaaday in maamuladii uu Farmaajo isku haleenayey inaysan wax badan u tari karin markii ay garab istaagi waayeen shirkii uu iclaamiyey. Waxay aheyd xaalad lagu ogaaday inuusan hadda sidoo kale u awood badneyn.

Imaaraadka Carabta oo uu Farmaajo albaabada Soomaaliya ka xiray ayaa dariiq cusub helay intii uu jiray khilaafkaa.

Waxyaabahaas oo dhan waxay dad badan qabaan in laga badbaadi karay haddii uusan Farmaajo geli laheyn dagaalka Rooble oo aan isagu waxba ka khasaareen maadaama uusan musharax aheyn.

Rooble xubno guddi ah ma heysan, wasaarado muhiim ah ma heysan, taliyayaal iyo hey’ado muhiim ahna ma heysan.

Marka la joogo siyaasadda inaad raadsato dagaalka qof aan waxba gacanta ugu jirin waa calaamad muujineysa inaad u bareertay in xisaabtaada qeyb laga qaato.

Saaxiibada madaxweyne Farmaajo qaar waxay qabeen in intaas oo khasaaro ah laga badbaadin karay kooxda, laakiin lama qaadan taladooda. Intaas waxaa dheer dhaawaca soo gaaray xagga sumcadda iyo rajada doorashada.