Maxaa keenay beegsiga lagu hayo mas’uuliyiinta DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan beegsiga lagu hayo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday in amni darrada haatan jirta iyo beegsiga mas’uuliyiinta dalka ay ka dhasheen is qab-qabsiga madaxda dowladda, isla-markaana ay kooxda Al-Shabaab, ayada oo ka faa’iideysaneyo ay kordhisay weerarada qaraxyada ah.

“Beegsiga mas’uuliyiinta dowladda ee kooxda nabad-diidka Al-Shabaab ma’aha mid hadda billowday, balse bilooyinkii dambe waxaa aad u xoogeystay is qab-qabsiga siyaaasadeed ee ka dhexeeya madaxda dowladda, ayada oo su’aal laga keenay cida iska mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Taas ayaa keentay in kooxda nabad diidka, ayaga oo ka faa’iideysanaayo is qab-qabsigaas inay fuliyaan weeraro is-miidaamin ah oo noocan oo kale ah,”.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa shaaca ka qaaday inay meesha ka baxday hay’addii Nabad Sugidda ee la rabay inay ka hortegto qaraxyadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa meesha ka baxay hay’addii sirdoonka ee la rabay inay sameyso ka hortegga falalka amni darro ee kooxdan la beegsato mas’uyuliyiinta dowladda,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu usoo jeediyey xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Rooble inay la wareegto mas’uuliyadda uu dastuurka u siinayo amniga gudaha iyo dibadda.

“Waxaan kula talin lahaa xukuumadda KMG ah in ay la wareegto mas’uuliyaddeeda dastuuriga amniga gudaha iyo dibadda labadaba,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dmabeeyey ay kordheen weerarada is-miidaaminta ee lagu beegsanayo madaxda dowladda, waxaana ugu dambeeyey qaraxii lagu dhaawacay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Irbaahim Macallimuu.