Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaliyeed iyo shacabkiisa

Qaybtii 2aad

Hordhac:

Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

Itoobiya samaysan keedi ugu horreeyey;

Itobiya waxa ay sameysantay 3,000 sano waqti laga joogo lamana gumeysan marka laga reebo inta u dhexeysay (1935-1941) oo talyanigu xukumayey, waana Waddan Gumeystayaasha ka mid ah, oo gumeystay Soomali iyo Ereteriya.

Waa waddan hadda ka mid ah kuwa dunida ugu faqrisan, wana waddan aan dagaal ka bixin oo dhexdooda ka dagaashan sida Tegreega iyo Xabashida, Oromada iyo Somalida, Orormada oo dhexdooda ka dagaalsan jabhado Oromo ah oo dowladda Abey la dagaashan, Somalida iyo cafarta iyo kuwo kale oo badan.

 Waxa kale oo dagaal kala dhexeeya Ummadaha dariska la ah sida Sudan, Ereteriya, kenya iyo Somaliya iyo kuwa aan xuduud kala dhexeyn sida masaarida oo ay biyaha ku dirirsan yihiin.

Hadda waxa cusub;

Iyada oo xaalka Itoobiya sidaas yahay waxa ay damacday in ay dagaal la gasho deriskeeda Soomalia si ay badda Soomaliya xoog ugu hesho;

Haddaba, Heshiiska Hooggamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la saxiixday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Ahmed oo aan filyo in uusan warqaddii lagu qoray qiima ku dhamayn. Waxa ay ahayd in oday Muuse Biixi is weydiiyo su’aalo badan inta uusan saxiixin heshiiskaas isaga ula muuqda suurtagal. Su’aalaha waxa ka mid ah:

1- Haddiiba uu hirgalo oo Itoobiya dekado u gaar ah dhulka Somaliland ka dhisato, ma ka fikiray sida ay u shaqeyn doonto dekkadda Berbera ee hadda ay isticmaasho Itobiya Somalilandina ku nooshahay dhaqaalaha ka soo xarooda.

2- Haddii Itoobiya kala jarto Somaliland iyo Jibuuti iyo wadmada carabta oo Somaliland la ganacsto maxaa ka dhalan kara?

3- Xaggee baa la dejinayaa dadka malaayiinta ah ee deggan dhulka Itoobiya uu ugu tala agalay ama u qoondeeyey?

4- Haddii dhulka ay hesho Itoobiya Badda iyo hawadana in ay ku darsan doontoo oo ay noqo doonto in Somaliland ka keraysato hawada marka ay marayaan ma is weydiiyey?

5- Itoobiya ma ku fidi doontaa dhulka kale ee soomaliland sida ay haddaba Oromada iyo Cafarta isugu fidiyaan dhulka Somali galbeed ee dagaal joogtada ah ka taagan yahay.

6- Muxuu isu weydiin waayey in ahddii mar ay hesho 20km oo bad ah ama ka badan in ay qasab ku heleyso 370km oo badda ku toosan ah oo taa macnaheedu yahay in reer Sopmaliland aysan ka kalluumeysan doonin badda Itoobiya uu u saxiixay.

7- Dhaqaalaha hadda uu ka helo dekadda, ganacsiga waddamada carabta uu la leeyahay iyo kalluumeysiga maxaa u beddeli doona?

8- Shirkadda Ethiopian Airline haddii ay Meesha ka baxdo ama ay taag darreyso taas oo caadi iska ah maxaa yeelay Ethiopian Airlines waxa la aasaasay December 30, 1945, waxaana aasaasay boqor Haile Selassie oo gacan ka helaya Trans World Airlines (TWA), Waxa ay hawl-gashay Abriil 8, 1946-kii waa 79 jir. Wey bilaabatay weyna dhamaan kartaa ma is weydiiyey duqu sida dhul ilaa qiyaamaha joogayo loogu beddelan karo Airlines markasta dhamaan karta iwm.

9- Aqoonsiga uu Itoobiya ka rabo oo aysan iyagu xaggoda qirin in ay aqoonsan doonaan maxuu ku aaminay?

10- In aan Soomaliya ogolaanshaheeda la’aantiis la aqoonsan karin oo sharci calami ah ka yaalo haddii kale dunido ay fowdo noqon lahayd ma is weydiiyey Mudane Muuse Biixi? maxaa yeelay Mareykan oo ah dowlad tunweyn ayaa Taiwan aqoonsan waayey oo kaliya saaxiib la ah.

Dhallinyarada iyo wax garadka Soomaliyeed maxaa la gubboon

Waxa aan qarsooneyn in Ra’iisulwasaare Abey Axmed uu awoodi waayey in uu Oromada uu ka dhashay, Xabashida abtiyaashiis ah iyo tegreegaba dagaal uga adkaan waayey, oo waan waan aan weli lagu guuleysan u socoto.

Soomaaliya waa waddan dagaal sukeeye oo dhab ah ku jiray muddo dhan 20 sano (1991-2010) kaas oo itoobiya shidaysay hubkana isgu dhiibeysay shacabka Soomaaliyeed billow ilaa dhammaad ilaa la soo gaaro 2010. Intaas ka dib shacabka Soomaliyeed dowlad dhisid ayuu billaabay weyna socotaa, taas oo hadda u muuqata in itoobiya dowlad Soomaliyeed oo xoogeysata khatar u aragto ayna go’ansatay in ay markale burburiso, iyada oo isticmaaleysa qaybi oo xukkun, federalka aysan fahamsaneyna uga faa’iideyso oo midba mar Heshiis maslaxadda Ummadda Soomalida lidi ku ah la saxiixo. Arrinkaas waxa la ga rabaa in si dhab ah ay u fahmaan dhallinyarada iyo wax garadka Soomaaliyed.

Itoobiya waxa aysan ogeyn;

Somaaliaya tii hore maaha, waddan kasta oo horumaray marka taariikhda dib loogu laabto waxa aad ogaaneysaa in uu dagaal sukeeye soo maray, kadibna fahmay dhinaca horumarku ka jiro. Somaliya dagaal sukeeye oo kale uma abuuri karto Itoobiya haddii ay dhallinyarda iyo wax garadku fahmaan sababihii keenay kii hore oo ahaa caddaalad darro shacabka dhexdiisa lagu sameeyey, waana in ay taas ka foojignaadaan madaxda Soomaaliyeed. Soomaliya hadda waxa Hooggaamiya Aqoon yahanno Abey Axmed uusan ku dhicin.

Haddii xabashdu ku fikireyso in Soomaliya ayna ciidan difaaci kara lahayn wey khaldan tahay, maxaa yeelay Dhallinyarda Soomaliyeed 20 sano oo tababar dagaal ah oo la’isku qasbay ayey soo qaateen, waqtigaas hubkii Xabashidu isugu dhiibtay shacabka ayey tababar ku qaateen welina guri kasto waa yaalaa. Soomaaliya waa is difaaci kartaa waana is difaaci doontaa, dhicinameyso in Itoobiya dhul Soomaali soo gasho in ay degto iska daa’e.

Difaaca Dalka, Dadka iyo diinta;

Dhallinyarooy difaaca Dalka Dadka Iyo diintu waa waajib diini ah oo Alle Weyne idin weydiin doono maalinta qiyaamaha haddii aad difaaci weysaan. Dalkaan waxa xabashida iyo Gumeystayaashii kala duwanaa ka difaacay dad adinka manta nool idinka dhaqaala yaraa, idinka aqoon yaraa, aan magaalo ku soo korin laakin gartay dalka in ay iyagu leeyihiin oo aan isticmaarku lahayn. Waxa aad tihiin dad fahamsan addunku halka uu marayo iyo Meesha uu u socdo. Waxa la weriyaa in dhallinyaradii la dagaalay Gumeystayaashii dalka heystay aaney ku jirin dhallinyaro shahaaddooyin waaweyn haysta. Laakiin waxa ay awoodeen in ay ummaddii kiciyaan oo Gummeystaha la dagaalamaan ilaa ay xurriyaddii ka maroojiyeen.

Gunnaanad

Soomalida uma furna wax aan ka ahayn in ay dagaal isu diyaariyaan ay ku difaacanayaan dalkood hooyo, dadkood iyo diintooda  meelkasta oo ay joogaan, maxaa yeelay dadaalkii madaxda dalkeena ee hadda jooga iyo kuwii ka horreeyay  ay ku raadinayeen nabad ku wada noolaasho is xitiraam iyo daris wanaag lala yesho itoobiya, Itoobiya ayaa diiday kana dooratay dagaal tijaabo ku ah Ummadda Soomaaliyeed.

W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
dralasso@snu.edu.so