Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Somalia iyo Itoobiya oo mareysa meel xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo Soomaaliya iyo Itoobiya inay qaboojiyaan xiisadda diblomaaisyadeed ee u dhaxaysa, kadib markii murankii ka dhashay is-afgaradkii 1-dii bishan ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Baaqii ugu dambeeyey waxa uu ka yimid urur-goboleedka IGAD oo ka kooban 8 waddan, labada waddanna ay ka mid ahaayeen kuwii aas-aasay.

Madaxda IGAD ayaa meel uga soo wada jeestay xad-gudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u hiiliyey Soomaaliya.

Shir Madaxeedkaan oo deg deg ahaa wuxuu noqonayaa kii 42-aad ee Ururka Goboleedka IGAD, waxaana shalay lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayada oo kulankaasi uu guddoomiyey madaxweynaha Jabuuti, ayna ka soo qeyb-galeen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dalalka kale ee IGAD.

Madaxda urur-goboleedka IGAD ayaa kulankaasi ku adkeeyay in heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo ay waajib tahay inay saxiixdo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Madaxda IGAD ayaa isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka IGAD.

Itoobiya ayaa markii la iclaamiyey shirkaan sheegtay in aysan ka qeyb geli karin, iyadoo soo jeedisay in dib loogu dhigo shirkaas, balse madaxda IGAD ayaa ku adkeysatay in la qabto shirkaas.

Xoghayaha guud ee IGAD oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, islamarkaana soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka qeyb-galay shirka, waxaana bayaanka soo baxay ku saxiixan xoghaya, taas oo Itoobiya ka dhigeysa mid wax ku leh go’aanka ka soo baxay IGAD.

“In la xushmeeyo dhamaan mabaadiida aasaasiga ah ee xushmada karaamada, midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka.