Khatarta cusub ee Somalia uga soo wajahan ciidanka Amisom

Maalmahaan waxaa soo bidhaameysa khatar aad halis u ah oo ku soo socota umadda oo dhan, siiba meelaha ay joogaan ciidamada AMISOM. Khatarta waxay tahay in lagu eedeeyay ciidamada inay xadeen agab u badan qalabka ciidamada oo isugu jira nooc kasta tiro iyo tayo ahaanna aad u sareeya. Haddaba arrimahaan isdaba socda iyo wararka soo baxaya oo sheegaya in wadamada Yurub ay joojiyeen taageeradi ay sii jireen ciidamada AMISOM taasoo dhalisay inaysan mushaar qaadanin muddo dheer, Waxaa sidoo kale la mida ciidamadda Somaaliya qaybahooda kala duwan.

Haddaba, maxaa laga filan karaa inay sameeyaan ciidamadaasi ? Maanta arrinta waxay joogtaa agab militari iyo waxyaabo kale oon sidaa halis u ahayn…laakin waxaa soo socda inay qas iyo amman darro ay ka geysan doonaan dalka meelaha ay ka joogaan, si gaar ahna ay arrintaani khatar u gelin doonto caasimadda Muqdisho. Waxaa soo socota, haddaan laga hortegin, inay suuqayada dhacaan, dadkana ka furtaan waxay sitaan, sidaasna amnigi uu faraha uga baxo.

Xukuumadda maanta dalka ka talisa waxay mashquul ku tahay doorashooyin iyo sidi siyaasi waliba uu ku soo laaban lahaa, isagoo adeegsanaya kuna takri falaya wixi hanti uu heli karo isagoon u aaba yeelin siduu ku soo saari lahaa ha ahaato xoog, xeelad ama xaaraan. Markaasaa waxa la isweydiiyay ma jiraan wax qopfka Somaaligaa xaaraan ka ah?

Waxaan nahay ummad midkooda khaldan aan toosin..midka dalka khatarta ku ah qaaraa qabyaalad awgeed ula safan..dadki dalkaan dumiyay ee burburka u horseeday dadey geesiyaal u yihiin oo daafacaya. Kuwa maanta na iibinaya oo u kala dhuumanaya cadawgi soo jireenka ahaa qaar kalaa u arka inay yihiin halyeeyo aan horey loo arak. Dadki aan yasi jirnay ayaan maanta megen galyo u joognaa oo aan afbuuxa ku ammaneynaa…halkaas waxaa ka cad inaan liqnay wax alla wixi qiyam noo ahaa oo naga firdhaday, qiimeynta xiriirka dowladaha nagala dhexeeya oo aan kala soocneyn, kala garan weynay wixi noo wanaagsan iyo wixi kale. Dowladaha saaxiibka nala ah oo wixi aan uga baahanno nagala horjoogsado ama naloo tilmaamo waxa aan weydiisan karno iyo waxa kale.

Tusaale ahaan dowladda Turkiga oo waxyaabo fara badan noo qabatay welina diyaar u ah inay kordhiso kaalmadeeda ayaa nalooo diiday inaan si fiican u dhex galno si aan uga baxno baahida aan u qabno saaxiib daacad noo ah, wax kastana diyaar noola ah. Waxaa nala faray in aanan marna weydiisan tababarada iyo taakuleynta xooga dalka, laguna koobo kaalmadooda dhinaca boliiska!!! Iyadoo boliis AMISOM ah naloo keenay. Shan sano ka hor ayaan M/xweyne Sheikh Shariif u qoray inay dowladda Turkiga noo tababarto ciidamada xoogga qaybahooda kala duwan…nasiib darro, waxaa taladaas caqabad ku noqday Meles Zenawi oo dejiyay khidada lagu cunaqabteynayo hamigii ahaa in aan yeelano ciidamo isku filan oo dalkaan daafici kara.

Meles wuxuu ahaa aalad loo adeegsaday inuu dalkaan kala dagaalo kana horjoogsado inuusan marna madaxa soo qaadin, waxaa loo ballanqaaday wax alla wixii uu ubaahdo xaga fulinta mashruuca burburinta Somaliya. Wuxuu adegsaday wax-ma-garato hub la isugu dhiibay oo ku baratamay midkee daldka leyn kara dalkana dumin kara si dhaqso ah. Kuwii markaas abuurmay iyagi ayaa iska takhalusay oo noqdya mid haada, mid heybsha iyo mid halaagsamay oo hooyadiis gablantay!!!

Berigii Talyaaniga uu dalka soo galay ayey dadki Xamar deganaa waxay tiriyeen tix tilmaameysay awooda gumeysataha taasoo hal-ku-dhegeedu ahaa ”WARKI HORE WAR SOO DHAAF, WAAYEEL QOLOF LAHAA YIMID OON WAREKIISANA LA DIIDEYN.” Maanta waxaa soo baxay kuwo ka daran kana liita kuwi aan kor soo sheegnay oo magac cusub la baxay oo ah Madaxweyne, waana magaca ay darajadiisi lagu tuntay lana marin-habaabiyay iyadoo dad aan ehel u ahayn ama mudneyn loogu yeeray, taasoo qiima tirtay jagadi ugu sarreysay dal walibha, kadddib markii ay saarsadeen inta burburka iyo baab’a dalka u xilsaaran, waxaana shardi looga dhigay inay iyagu is-nacaan oo aysan marna heshiin si aan wax tallaabo ah horey loogu qaadin.

Yaa ka jawaabi kara sababta SHIR WADATASHI loogu qabanaayo Baydhaba mar haddii wixi laga doodi lahaa la soo gabagabeeyay? Barlamaanku wuxuu oggolaaday sharciga dhisida axsaab siyaasadeed…dadka hormuudka ka ah waa ashkhaas xilal ka soo qabtay dowlaada maanta dhisan,waxayna siyaasadoodu isugu biyo shubatay inay eedeeyaan dowladdi ay ka mid ahaayeen, kuna tilmaamay fashal kaasoo hadduuba jiro ay sababtiisu iyagu ahaayeen. Midkoodna weligii sooma gudbin wax ra’ayi horumar dalkaan u horseedi kara, hubka ay sitaan oo ay ku dagaal gelayaan waa eedeyn wax intaas dhaafsiisan ma hayaan…Maxaa laga filan karaa kuwaas oo kale?

Waxaan ku soo khatimeynaa Axmad Samatar oo yiri Somaloiya waxaa ka taliya laba juufo oo kaliya, sababtaas awgeed ayaan uga soo tegay. Xaguu yimid!!! Meel la sheegay inay hal jufo kaliya talada heyso inta ka soo hartana ay yihiin ”comparso”..waa kaa aqoonyahanki!!! Ma la heli doona dad dalkaan badaabiya?         Allow noo Sahal oo ducadeena noo aqbal…Aamiin.

W/Q: Axmed Calasow

bashaar10@outlook.com