Khatarta ugu weyn amniga MUQDISHO waa kaararka aqoonsiga DF Soomaaliya

In ka badan 35,000 oo qof oo aan dowladda si toos ah ugu shaqeyn ayaa la rumeysan yahay in haystaan kaararka aqoonsiga dowladda.

Ugu yaraan 500 oo qof oo aan madaxtooyadda ka shaqeyn ayaa heysta kaararka madaxtooyada kuwaas oo isugu jirra la-taliyayaal, iyo shaqaale kale.

Waxaan indhaheyga kusoo arkey shaqsiyaad caadi ah oo heysta kaararka madaxtooyada oo aay ugu qoran tahay waa la-taliye ra’iisal wasaaraha ee arrimaha saas iyo saas. Sidoo kale la-taliye xaafiiska madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale kaararka lagu qaataa ama lagu haystaa la-taliyayaal wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno, la-taliyayaal agaasime iyo agaasime waaxeedyo iyo wixii la mid ah.

Waxaan arkey intaan Xamar joogey shaqsiyaad haysta kaararka wasaaradda gaashaandhigga, nabad sugidda iyo booliiska..

Waxaas aan sheegey oo dhan waxaa sameeya shirkad oshaqsiyaad leeyihiin oo halkii kaar ku sameeya ugu yaraan 10 dollar. Waxaa lagu sameeyaa saddex meelood oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama.

Intaas oo shacab ah oo kaararkaas wata waxay soo maraan waddada Sayidka halkaas ayeyna kaga soo gudbaan baaritaanada.

Dadkaas kaararkaas kaliya ayey tusaan askarta hadana baabuurtooda lama baaro!

Waxaas oo qatar ah waxaa la iska rabaa in laga hortaggo, su’aashayduna waxeey tahay yaa ka hortagi kara?

Amnigu waa noo wada muhiim!

W/Q: Cali Yaasin