Timirtii horeba dab loo waa: Isbahaysiga cusub ee Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Dawladda Sacuudiga ayaa 12-kii bisha 12-aad ee sanaddkan 2018 marti galisay shir ay isugu yimaadeen wasiirada Arrimaha Dibada ee wadamada kullaala bada-cas iyo gacanka cadmeed, shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo yagleeli lahaa isbahaysi cusub ay wada yeelanayaan wadamada gal biyoodkan wadaagga, todoba dal oo ka mida ah sagaalka wadan ee wadaagga bada cas iyo gacanka cadmeed ayaa ka qayb galay kulankaas kuwaas oo kala ah: Masar, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Soomaaliya ,Yaman iyo wadanka martida loo ahaa ee Sucuudi Carabiya.

“Tani waxa ay imanaysaa ka qayb ahaanshaha dedaalada boqortooyadu doonayso inay ku ilaaliso danaheeda iyo danaha jaarkeeda iyadoo sidaa loo yeelayo dagenaanshaha mandiqadan aan ku noolnahay iyo in la isku dayo sidii dhidibada loogu taagi lahaa wadajirka dowladaha kala duwan” sidaa waxa yidhi wasiirka arrimaha debada dalka sucuudiga mar uu sharaxayay midhaha laga filayo gaashaanbuurtan cusub.

Isbahaysigan cusub ayaa ku soo beegmaya xili hirdanka awoodeed ee gobolkan ka jiraa sii xoogaysanayo. Marinkan ayaa ah mid mihiimad laxaad leh u leh ganacsiga caalamiga ah iyada la tilmaamo in ay ka gooshaan marinkan 2.5% saliidda qaydhin ee caalamka loo iib geeyo.

Sanadkii la soo dhaafay China waxay dekada jabuuti ku kordhisay aag ganacsi oo ku kacay adduun lacageed oo dhan 600 Milyan, maal galintan china ayaa waxay qayb ka tahay qorshe waddo ganacsiyeed riyo ahaa oo xaqiijintiisa hada uun ay bilaabeen kaasoo ay ku magacaabaan Jaynuhu (China) Hal Wado Iyo Hal Suun (One belt one road). Arrinta ayaa ah in China ay soo celiso dariiq ganacsiyeed xadaaradihii hore ee China muhiim u ahaa kaa soo ah marin biyood isku xidhaya laga bilaabo dakada bakistaan ee gawaadir ee China ay dhisanayso la soo mariyo bada carbeed ilaa laga soo gaadho markinka Baabal-Mandab iyo bada cas kaasoo isna ku aadan qooriga Suways ee dalka masar si kadibna ay halkaa kaga xidhmaan qaarada yurub.

Jabuuti waa wadan yar oo ay ku yaalaan saldhigyada milateri ee qaar ka mid ah quwadaha adduunka ugu xoogga wayni, China waxa ku soo daawanaya meesha Maraykan, Faransiis, Jabaan iyo Iiraan oo dhammaantood saldhigyo mileteri ku leh wadankan, reer galbeedka waxay u xusulo duubteen inay isbalaadhinta ganacsi iyo ta mileteri ee China-ha caqab ku noqdaan taasoo keentay in maraykan istaraatiijiyada koobaad ee loolanka dunida oo markii hore ahayd la dagaalanka waxa ay ugu yeedhaan argagixisada ku bedelaan loolanka adkaysashada hogaaminta caalamka oo ah in ay xakameeyaan awoodaha China iyo Ruush.

Dhammaan quwadahan waawayni ma aha kuwo ka madhan joogitaanka gobolka marka ay ugu yartahay waxa ay ku wada joogaan xeebaha soomaaliya la dagaalanka budhcad badeedda, sidoo kale awoodaha gobolka ayaan iyaguna ka madhnayn saaxada, wixii ka dambeeyay intii isbahaysiga Sucuudigu hor kacayaa weerarka ku qaadeen kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yaman oo taageero ka hela Iiraan, waxa jiray hadal hayn ah in amniga wadamada carbeed yahay mid ka dayacan dhinaca koonfurta kadib markii wadamada Turki iyo Iiraan kaga gaalan gal bateen bariga Afrika taasina ay jiritaankooda khatar ku tahay.

Warbaahinta Carbeed ee ku hadla af xukuumaddahooda intooda badan iyo kuwa madaxabanaaniba marka ay ka hadlayaan joogitaanka Turkiga ee soomaaliya waxay adeegsadaan erayga ‘Gumaysi’ iyo in saldhigga miletari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho yahay khatarta ugu wayn ee ka soo food saartay dhinaca koonfureed, taasi waxay keentay in wadanka Imaaraadka Carabta oo dabcan ay ku wada socdaan Sucuudiga iyo Masar uu saldhigyo mileteri ka samaysto Jasiirada Soqodra ee dalka Yaman, magaalo xeebeedyada Yaman ee kala ah Caden, Mokalah iyo Mokah.

Waxa jirta iyana in saldhigga mileteri ee ugu wayn ee Imaaraad leeyahay inuu ku yaalo wadanka Ereteriya magaalo xeebeediisa Casaba, Berbera oo ah maagaalo istaraatiijiya ayaa iyana la filayaa in Imaaraad ka hirgashado saldhig militari ka dib markii shirkad dalkaa laga leeyahay ay la wereegtay maamulidii dekada Berbera. Sidoo kale kama madhna xaaladda taagan xifiiltanka uu dhaliyay biyo xidheenka Ethiopia ka dhisanayso biyaha wabiga Niil ka dib markii dawlada Suudaan ay si mafsuud ah u soo dhawaysay mashruucan biyo xidheenka iyo in barwooqo uu u horseedi karo gobolka bariga Afrika oo Suudaan u horayso, Masar oo iyadu garab ka wayday dhammaan wadamada wadaagga biyaha niilka si mashruucan biyo xidheenka loo joojiyo ciidamo ayay u daabushay saldhigga milatari ee Imaaraatka ku leeyahay Ereteriya si ay Suudaan ugu cadaadiso inay joojiso taageerada ay u hayso hirgalinta mashuuraca biyo xidheenka, taa badalkeeda Suudaan waxay kaga jawaabtay in Qadar maamulka dekada ugu wayn dalka Suudaan la wareegto, jasiirada istaraatiijiga ah ee Sawaakin ay ku wareejiso dawlada Turkiga oo xiligii cusmaaniyiinta ay u ahayd saldhig, hawsha dib u camirida jasiirada Sawaakin waxa iyana ka mid ah in saldhig milatari Turkidu ka dhistaan halkaa.

Sucuudi Carabiya badanaa marka ay doonayaan inay saamayntooda awooddooda siyaasadeed muujiyaan waxay caan ku yihiin adeegsiga hantida lacageed ee ay haystaan taas oo macnaheedu yahay inaan si quman looga baaraan dagin talaabooyinka la qaadayo ee la xidhiidha is muujinta boqortooyada natiijadeeduna noqoto in ay fashil ku dhammaadaan, waxa fashil ku dhammaaday is bahaysigii weerarka ku qaaday 25 March 2015 wadanka Yaman ee la baxay dabayshii midwoga  (عاصفة الحزم)oo warbaahinta wadamada xubnaha ka ahaa hawada wareejinayeen in dagaalkan haduu ugu bato sii socon doono muddo hal sano ah.

Hiyi kac Sucuudi hor boodayo oo ahaa urur isbahaysi difaac oo ka alkuman bariga dhexe laguna waday in loogu yeedho NATO-da carbeed kaas oo uu dabada ka riixayay Maraykanku ujeedada ugu wayn ee qaar ka mida wadamada carbeed u doonayeen is bahaysigana ahayd in ay kaga hortagaan isbalaadhinta Iiraan, qorshahan ayaa ugu dambayntii fashil ku dhammaaday ka dib markii lagu kala qaybsamay mabaadii’da uu u taaganyahay maxaa yeelay wadamada Qadar iyo Cumaan lama qabaan dalalkaa kale in Iiraan ay khatar ku tahay iyaga.

15 bishii diisamber 2015 ayay ahayd markii magaalada Riyaad ay isugu yimaadeen wadamo badan oo muslim ah, tiro ahaanna dhammaa 40 iyo hay’addo madax banaan oo islaamiya sida Jaamacadda Azhar iyo ururka iskaashiga islaamka, kulankaa waxa lagaga dhawaaqay inuu ka soo baxay samaynta is bahaysi balaadhan oo loo bixiyay ‘Isbahaysiga Islaamiga ah ee La Dagaalanka Argagixisada (التحالف الإسلامي العسكري لمحاربة الإرهاب) si ay uga hortagaan dhibaato la sheegay inay ku hayso argagixiso. Ururada Ikhwaanul Muslimiin, Xamaas iyo Xisbulah liiska argagixisada meelaha ugu horeeya ayay ugu jiraan dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar, halka hoyga kaliya ee ay ku nabad galaanna yahay wadamada Turkiga iyo Qadar, shabakada wadaadka Turkiga ah ee Fatxula Goolaan iyo jabhadaha kurdiyiinta ee PKK argagixiso ayay u yihiin Turkida, wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar-na waxay u arkaan inay yihiin urur dacwad diiniya wada iyo jabhad xuquuq gobonimo doon ah u dagaalamaysa. Tani waxay ka dhigantay wadamada ku heshiiyay argagixiso la dirirku in aanay isla aqoonsanaynba yaa argagixiso ah, isbahasigan inuu shaqeeyo iska daayee in si rasmi ah loo soo hadal qaado waxa ugu dambaysay maalintii la aas-aasay waana mid lagu macneeyay natiijo ka dhalatay fashilka habqanka go’aan qaadashada istiraatiijiyadeed ee dalka Sucuudiga.

Yeedhmada Sucuudiga markan maaha is muujin la xidhiidha awoodda siyaasadeed oo kaliya ee waa in la ilaaliyo danaha dhaqaale ee kaga xidhan marin biyoodkan, waxa jira mashruuc dhaqaale oo baaxaddiisa leh kaasoo ay Sucuudiga kuwada jiraan wadama Masar iyo Urdun kuna kacaya adduun dhan 500 oo bilyan oo doolar lagana hirgalinayo deegaanka xeebaha bada cas iyo in magaalooyin dalxiis heerkoodu sareeyo laga dhiso wajiga hore ee xeebaha bada cas ee dhinaca Sucuudiga, kama madhna meesha isku day cusub oo Masar iyo Sucuudi ku doonayaan inay yareeyaan joogitaanka Turkiga ee mandaqadda, wasiirka arrimaha dibada ee Sucuudiga Caadil Al Jubayr mar uu ka hadlayay arrinkan ayaa waxa uu yidhi: “Mar kasta oo uu bato iskaashiga iyo wadashaqaynta dowladaha mandiqaddu waxa yaraanaya saamaynta taban ee shisheeyaha”, ku qanacsanaanta Sucuudiga wadamada qaarkood colaaddo halakeeyeen qaarna ay saldhigyo u yihiin quwado shisheeye, kuwa kalena wadamo aan carab ahayn garabkooda koobaad yihiin iyo danaha is diidan ee urur goboleedyo ay ka kala tirsanyihiin sida ka dalaka khaliijka iyo kan bariga Afrika ee IGAD, ku qanacsanaanta Sucuudigu ku samaynayo isbahaysi ciidan, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeedba oo ay wada yeeshaan dalalkani dad badan oo arrinkan daba-galay waxay ugu muuqataa in Sucuudi wali hayo wadadii hambaabirka iyo humaaggu hagayay ugu dambayntana fashilka un kusoo idlaan jirtay.

Soomaaliya waxa si aan ka fiirsi lahayn loogu daray ururka Jaamacada Carabta sanadkii 1974-kii, ku biiritaankaas umadda Soomaaliyeed wax ay ka dheefeen haba yaraatee ma jirto, cidda danta ugu wayn ku qabtay waxay ahayd wadamada carabta oo xiligaa ilaa maanta u arka Soomaaliya inay tahay jabhadda difaaca koonfureed ha ugu horayso Masar oo innagu ilaashata biyaha wabiga niilka, waxtar daaye waxyeelo ayay u dhashay arrintani umadda Soomaaliyeed, waxay ku abuurtay loolan xaga aqoonsiga ah (صراع الهوية), waxa aynu noqonay dad ka carara dhalashadoodii afrikaannimo waxaanna aynu gaadhi waynay carabnimadii la inala rabay. Islaannimada iyo carabnimaduna waa laba aan micno ahaan isku mid ahayn, burburkii Soomaaliya ka dib inta badan wadamada carbeed kuwooda qaniga ahi coolaadii sokeeye ee Soomaalida door wayn ayay ku lahaayeen iyagoo kooxihii isku gowracayay wadanka marba koox maal galinayay, ururkan Jaamacadda Carabta waxa la yagleelay sanadkii 1945 waa ka hor intii aan la samayn Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Gaashaan buurta NATO, wax maanta la taaban karo oo uu umadda uu matalo u qabtayna ma jirto halka seddexdaa hay’addood ee aynu soo xusnayna yihiin kuwa dunida door weyn ku leh oo maamula. Ururka Jaamacadda Carabtu waa urur baarlamaan leh loo yaqaan baarlamaanka Jaamacadda carabta, wadamada xubnaha ka ahna qaar baan lahayn baarlamaan oo leh boqor muqadas ah oo kaliya, waa urur tusaale caalamiya u ah fashil oo dhan dhisnaantiisuna tahay wax qurux looga jeedo uun.

Hadaba in maanta mar labaad is bahaysi laga yagleelo bada cas oo aynu ka mid noqonaa waa laba mid uun:

  1. In uu noqodo urur qurux ahaan u dhisan sidaa kaa Jaamacadda Carabta ee aynu soo tibaaxnay oo dhibaato uun inoo soo jiidda ay ka mid tahay dhibaatooyin aynaan lahayn oo dhexda la inoo dhigo sida middii Yaman, jiritaankiisuna aakhirka fashil ku dhamaado
  2. Iyo inuu noqdo mid inaga hor istaaga madax banaanni aynu ku kala dooranno danteenu meesha ay ku jirto, kaasoo inagu qasbi doona hadaynaan xataa qaadan u eekaanshaha nidaamka kali-talisnimada ah ee wadamada carabta ka jira, sharciyeyntiisana leeyahay wadaadka fatwada aan loo meel dayin la barbar taagan.

Ku noqoshada god la mid ah kii hore la inoogu qaniinnay waxay ka dhigan tahay Timirtii horeba (jaamacada carbta), Dab loo waa (dheef laga waa).

Qalinkii: Axmed Ibraahim Xasan