27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Maamulka Khaatumo State oo sheegay inay laayean ciidamo Somalilander ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka warfaafinta maamulka Khatumo Stete Axmed Gacma Yare oo la hadlaayay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadooda ay duulaan gaadmo ahaa ku qaaden Ciidamada Maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay in duulaankaasi ay ku dileen Ciidamo badan oo ka tirsanaa Maamulka Somaliland, waxa uuna intaa ku daray in dagaalkaasi uu ka dhacay deegaanka Xudun ee gobalka Sool.

Wasiirka ayaa sidoo kale, sheegay in Weerarka ay iyaga qaadeen, islamarkaana Ciidamada Khatumo ay gudaha u galeen deegaanka Xudun ee gobalka Sool, halkaasina ku laayeen dhowr Askar oo ka tirsanaa Ciidamada Axmed Siilaanyo.

Axmed Gacma Yare, ayaa sheegay in Maamulka Khatumo uusan raali ka aheyn in Ciidamadooda ay waxyeelo u geystaan Wiilal Soomaaliyeed balse lagu qasbay inay weerarkaasi qaadan.

Dhanka kale, Wasiir Gacma Yare ayaa ku cel celiyay in sidaan ay u weerari doonaan meel walba oo ciidamada Somaliland ka joogaan gobalada mamulka Khaatumo uu sheegay in uu ka taliyo.

Maamulka Somaliland ayan weli ka hadal warkaani kasoo yeeray Maamulka Khatumo Stete ee ku aadan inay dileen Ciidamo Somaliland ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News