Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo waday gaari nooca NOAH ah ayaa weerar ku qaaday labo dhaqtar oo la socotay gaari SURF ah xili ay ku sugnaayeen xaafada Taleex ee magaalada Muqdisho.
Labada dhaqtar ayaa a sheegay mid koox uu u dhintay rasaasta kooxaha hubeysan ay ku fureen, iyadoo midkii kale dhaawac ahaan loogula cararay arumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Kooxaha hubeysan ayaa marki falka ay geysteen waxay kacarareen goobta, waxaana kadib gaaray ciidamo ka tirsan hayada nabad sugida iyo kuwa booliska dowlada Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale bam nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray shaqaale waddo dhisayay oo ku sugnaa agagaarka xarunta weyn ee shirka Hormuud ee magaalada Muqdisho.
Bam gacmeedkaasi ayaa sababay dhimashada hal ruux oo shaqaalaha kamid ahaa, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar kale oo goobta ku sugnaa.
Lama oga sababta arintaasi ka dambeeyay laakiin ka dib waxaa madasha gaaray oo baaritaano sameeyay ciidamada dowlada Soomaaliya, waxaana wal socda baaritaanka ay sameynayaan ciidamada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

