Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah uu xiligaani ka socdo Xafiiska R/W CC.
Kulanka ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo Ra’isul wasaaraha iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda Xukuumadiisa.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in R/W CC uu Xildhibaanadaasi ka codsanaayo in la ansixiyo Xukuumada Cusub, waxaana la soo werinayaa in Xildhibaanadaasi uu u sameynaayo Balanqaadyo kala duwan
Xildhibaanada kulanka jooga ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafayaan 20 Xildhibaan oo miisaan ku leh Kutladaha midoobay, waxa ayna matalayaan dhamaan Xildhibaanada Mucaaradka ah.
Warar hoose ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay R/W CC ku wargalinayaan in go’aanka uusan ka go’in iyaga oo kaliya, balse looga baahan yahay inuu la xaaltamo dhamaan Xubnaha Kutlooyinka.
Xildhibaanada ayaa iyagu u muuqda inay ku gacanseeren Codsiga R/W CC oo isagu weli far ay ku jirto Xukuumadiisa, sida ay aaminsan yihiin Xildhibaanada BF Somalia.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, qeyb ka ah Siyaasiyiin saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan gaar ahaan kuwii dhawaan laga saaray Xukuumadii la diiday, waxa ayna iyagu Xildhibaanada ku boorinayaan inaysan is hortaagin Xukuumada oo badi ay ku mideysan yihiin dhalinyaro aan qeyb ka aheyn Siyaasadaha isdiidan.
Waxaan la Ogaankarin Go’aanka kasoo bixi doona kulanka, balse waxaa loo badinayaa in Xildhibaanada ay kusii adeegi doonaan go’aankooda ku aadan diidmada Xukuumada Cusub.
Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in Xukuumada Somalia la horgeeyo BF Somalia.
La soco wixii kusoo kordha kulanka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

