Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka badan 100 ayaa sheegay in aysan ku kalsoonaan karin shirguddoonka Baarlamaanka, marka la eego xaaladda qalafsan ee dalku maraayo, Xildhibaanadan ayaa sababo dhawr ah darteed ku sheegay in aan lagu kalsoonaan karin Prof. Jawaari, qoraalka ka soo baxay Xildhibaanada oo saxiixoodu ka maqan yahay, ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalinta berri ah loo ballan san yahay in Xukuumadda Sharmarke la hogeeyo Baarlamaanka.
Eedaymaha loo jeediyey Prof. Jawaari waxaa ka mid ah in Xukuumadda dhismahaeeda uu la wadaagey raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha.
Marka la eego qaabkii Jawaari u maamuley mooshinkii ka dhanka ahaa Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa dad badan ku tilmaamaan waxa uu isticmaaley dulqaad iyo wayeelnimo, sidoo kale labadii mar ee la celiyey Xukuumadda Sharmaarke ayuu ku kasbadey in Xildhibaano badan siyaasadiisa ka hor yimaadaan. Dhanka kale waxaa la is weydiinayaa heerka uu maraayo xiriirka uu la lee yahay Madaxweynaha Koonfur Galbed Shariif Xasan Shiikh Adam oo weli galaangal ku leh Baarlamaanka.
Akhri qoraalka ka soo baxay Xildhibaanada:
Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad iyo mudanayaal, annagoo ah xildhibaannada magacyadooda iyo saxeexyadooda uu qoraalkeena ku lifaaqan yahay waxaan afhayeenka golaha shacabka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka keenay mooshin ku kalsoonaan la’aanta shir-guddoonka baarlamaanka ee uu nooga ahaa guddoomiyaha; sababo jiro awgood kuwaasoo ah sidan:-
- Markaan aragnay in aadan siineynin tixgelin haba yaraatee aragtida Xildhibaanada aad kalsoonidooda kursiga ku fadhido
- Markaan aragnay inaadan hoos u fiirinayn kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka dhexjirta wakiilada shacabka adiga oo si dhab ah xog-ogaal ugu ah.
- Markaan darsinay inaad indhaha ka xiratay dhagahana ka fareeysatay in xukuumad loo dhan yahay dalka loo dhiso, sida ay golaha shacabka JFS ka jeediyeen madaxweynaha JFS iyo ra’iisal wasaaruhu u soo magacaabay kolkii kalsoonida golaha looga dalbanaayey si uu u soo dhiso ra’iisal wasaaraha xukuumad wadaag ah.
- Markaan aragnay inaad la wadaagtay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dhismaha xukuumad aad saddexdiina wadaag ku tihiin, sida aad ka hor qiratay xildhibaannada kud-ladaha kulankii aad la qaadateen guddoonkiina iyadoo ay ku hareer fadhiyaan ku-xigeenka 1-aad iyo kan 2-aad; taasoo aad si bareer ah ugu hor qiratay waliba adigoo kusii adkeystay in haddii ay kalsooni heli weysana aad kusoo celin doonto xubnihii aad la dhisatay adigoo ku dhiirranaaya mudanayaasha hortooda iyo ku-xigeennada taasoo dhakafaar nagu noqotay daneysiga danihiina gaarka ah oo aan ka tujumeyn danta guud iyo maslxada shacabka.
- Markaan aragnay qodobada qaanuuniga ah sida dastuurka – qoqdobkiisa 65 – farqadiisa saddexaad iyo xeer hoosaadka baarlamaanka – qodobkiisa sagaalaad – farqadiisa shanaad sababaha iyo awoodaha hay’adaha dowladda adigoo aan dhexdhexaad ka noqonayn iyo sida aad markasta uga milanto adigoon fiirinayn sida danta, dalka iyo diinta ay ku jirto iyo dhowris la’aanta dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamaanka Somalia.
- Markaan xaqiijinnay ka waantoobid la’aanta danahaaga gaarka ah, ayaan soo jeedintaan (Mooshin) u keenay inaan ku kalsoonaan karin shir-guddoomintii golaha shacabka aan kuu dooranay adigoo ahaa mudane annaga nala mid ah; sidaas daraadeedna maadaama dalka uu maraayo marxalad aad u qalafsan oo mugdi gelinaysa sidii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016-dalkana loogu ansixin lahaa xukuumad kasbata kalsoonida xildhibaanada golaha shacabka si ay horay ugu guda gasho howlaha laga sugaayo hey’adda fulinta (Xukuumadda) sidii lagu gaari lahaa hiigsiga 2016-ka; taasoo aysan mudanayaashu ogolaaneyn in ay madaxda Qaranka soo xusheen ciddii danahooda keliya ugu shaqeyn lahayd una fulin lahayd aragti-dooda iyo rabitaankooda kaliya; taasoo ah mid aan si wadajir ah loo wada wajihi karin; shaki weynna galineysa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay dalka iyo dunida dacaladeeda ka joogaan taasoo ay xaq u leeyihiin inay wax ka ogaadaan meesha loo socdo; taasoo ay doonayaan inay dad qaas ah oo kaliya wax og-yihiin ama koox gaara ay wax og-yihiin ama ay danley ku heshiisay.
Sidaas daraadeed kuma kalsoonaan karno shir guddoonka Golaha Shacabka JFS inta lagu jiro xaaladaan qalafsan waa inaad ka degtaa kursiga uga guddoomiyaha baarlamaanka JFS maadaama aad lumisay kalsoonida Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho