Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo, ayaa ka hadlay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
“Tirada wasiirada cusub oo loo baahnaa in la fiiriyo inta aan la magacaabay dhanka dhaqaalaha, ayaa waxaan hubaa in wasiiradaasi ay ku bixi karto haaf milyan oo doolar oo ah lacag badan, waxaan ognahay in ciidamada aysan qaadan dhaqaalo badan,marka waxaan ogeyn halka dhaqaalo looga keeni karo wasiiradaasi”ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa fariin u diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay inay hadda joogto inay kala doortaan Badbaadin qaran ah iyo burburin qaran, sida uu hadalka u dhigay.
“Baarlamaanka labo inay kala doortaan, iney kala doortaan BADBAADO Qaran ama BURBURIS Qaran, oo aan kala jeedaa dowlad aan ka shaqeyn nabada dalka oo maalin kastaa dowlado shisheeye ay kuu dhisaan maamul gobolaad, waxaa haboon inay eegeen baarlamaanka kala eegtaan labadaasi”.
Ugu dambeyn wuxuu arin aan wanaagsaneyn ku tilmmaamay in Xasan Sheikh uu Muqdisho kula kulmo madaxweynayaal maamul goboleedyada matalaya islamarkaana laga tago madaxweynaha maamulka Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

