Goorta wasiirada ay hortagayaan BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa Isniinta berrito ah lagu wadaa in la horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsan doono inay codka kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada, si ay shaqadoodu u bilowdaan, dalkana ugu haggaan hiigsiga 2016-ka.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay weli qaarkood ka biyo diidan yihiin magacaabidda Golaha Wasiirada, oio ay ku sifeeyeen kuwo aan loo marin halbeyga awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Xildhibaano kaloo waxaa jirta aan iyagu kuba qanacsanayn dhismaha Golaha Wasiirada, iyagoo ku doodaaya in beelaha qaarkood la siiyay saamiyo ka badan, intii ay xaqa u lahaayeen, halka kuwo kalana la duudsiiyay xaqoodii.

Saacadihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo badanaayay Xildhibaanada sida weyn leh Warbaahinta uga weeraraaya Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Inkastoo aad dareemeyso in Madaxtooyadu ay iska qafiifisay culeyskii ka heystay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxaa hadana dhanka kale arkeysaa inay jiraan caqabado kale, oo shaki gelinaaya sidii codka kalsoonida ay ku heli lahaayeen Golaha Wasiirada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com