Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Kutladaha ka dhex jira Baarlamaanka ay yihiin kuwo loo sameystay oo kaliya in wax lagu mucaarado, islamarkaana kuraas lagu raadsado.
Xildhibaanka oo u waramay idaacadda Goobjoog Fm ayaa sheegay qaabka ay ku kulmeen xildhibaanada aysan ahayn fikir siyaasadeed, balse ay tahay arin mucaaradnimo ah kuna saabsan sidii ay wax ku heli lahaayeen, ama madaxda ixtiraam gooni ah in ay ka helaan.
“Sida Kutlooyinka ay ku socdaan ama ay jecelyihiin ama ay ku dhamaadaan waa Axsaab siyaasadeed, balse aniga baarlamaanka ayaa ku dhex jiraa waan ka warqabaa, sida ay ku kulmeen iyo fikirka ay ku kulmeen fikir siyaasadeed ma ahan, waxa ay ku kulmeen waa un arin mucaaradnimo ku saleysan, sideen wax ku helnaa gole wasiir, sideen madaxda uga helnaa ixtiraam gaar ah, xisbi sidiisa waxa uu ku yimaadaa dad isku fikir ah” ayuu yiri xildhibaanka.
Dhinaca kale xildhibaanka oo soo hadal qaaday arimaha ku aadan is qab qabsiga dhanka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxa sababa iyo sidoo kale sida looga gudbi karo.
Waxa uu sheegay xildhibaan Nuur in waxa ugu horeeya ee tani sababta u ah ay tahay dhanka Dastuurka iyo sidoo kale awoodo isku dhigma oo ay leeyihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, taasina ay keento khilaafyada ugu badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

