Khayre oo amray in gurmad deg-deg ah la gaarsiiyo magaalada CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda caafimaad ee ku soo korortay Galmudug.

Shirka oo ahaa mid hab Online ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbixin laga dhageystay.

Qoor-Qoor ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka Covid-19 oo fara ba’an ku haya maamulkaasi.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre  ayaa amray in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo degmada Cadaado oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyey xanuunka.

Dhinaca wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaaladaasi uu ku wajahayn madaxeeynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) si u soo qiimeeyo halista caafimaad iyo qalab la’aanta laga soo sheegayo halkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhowaad 10 qof Covid-19 ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka, waxaana haatan xaalad deg-deg ah lagu soo rogay gudaha magaaladaasi.