Sheekh Shariif: Isku dayga socda wixii ka dhasha waxaa mas’uuliyaddeeda qaadaya madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray go’aankii shalay wartiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Sheekh Shariif qoraalkiisa ku sheegay inuu aad uga xunyahay go’ankaas uu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya mudada intaas la’eg dib ugu dhigay hadal jeedintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo laga doonayey inay baarlamaanka hor yimaadaan 27-ka bishan.

“Waxaan aad uga xumahay in hoggaanka baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigay hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May” ayuu yiri.

Sheekh Shariif sheegay in talaabadaas ay xadgudub ku tahay dastuurka dalka sharciga doorashooyinka, isagoo ka digay in dib loo dhigo doorashada dalka oo mudo kororsi ay sameystaan hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda dowladda federaalka.

“Taallabadaas waxay xadgudub ku tahay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey. Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Shariif Sheekh.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku fashilmeen in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda dowladdu ay dusha u rida doonaan cawaaqibkii ka dhasha mudo kororsi dhaca.

“Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda. Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah, kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Shariif.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu uga hadlay go’aankii shalay waqtiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid qorsheysan oo afduub ah, “Go’anadi shirkii 2-da guddi jogto ee shalay May 25, 2020. waxu ahaa go’ano qorsheysan oo afdub ah, waliba qodobo sharciga doorashada jabiyey. Guddonka ayaa fulsaday qorsho ay waten horayna looguso heshiiyey. Xubno kamid ah guddoonka iyo Madaxtooyada oo mudo korarsi kawada shaqaynaya” ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene.

Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulan ay shalay yeesheen waxaa looga dhawaaqay waqti kordhin loo sameeyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo la rabay in 27-ka bishan uu hor yimaado xildhibaanada golaha shacabka.

Guddiga ayaa loo kordhiyay mudo hal bil, waxaana lagu balansanyahay in kulanka golaha shacabka ay hor tagaan 27-ka bisha dambe ee June, isla amrkaana ay ka horjeediyaan warbixin ku saabsan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waqtiga loo qorsheeyay inay dhacdo.