GAARI xamuul ah oo dad badan ku laayey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay 10-qofood ayaa geeriyootay, halka tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii gaari xamuul ah uu dad saarnaa mooto Bajaaj iyo kuwo lugeynayaba ku jiiray isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Gaariga jiiray dadkaas ayaa la sheegay in uu fariin goostay, sidaasna uu ku laayey dadka, waxaana dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen loola cararay goobaha caafimaadka.

Maamulka degmada Howlwadaag ayaa gaaray goobta uu shilkaasi ka dhacay, waxuuna guddoomiyaha degmada Howl-wadaag Mustaf Kheyre warbaahinta u xaqiijiyay in 10 qofood ay ku geeriyootay shilkaas.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in meydadka dadkaas ay badankood kasoo saareen dhismeyaal uu ku burburiyay gaariga xamuulka ah ee fariinka/ bareegga goostay.

Guddoomiye Mustaf Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay in markii laga soo tago 10-ka qof ee geeriyootay, ay jiraan dad kale oo shilka ku dhaawacmay, kuwaas oo qaarkood uu dhaawacoodu halis yahay, isla markaana loola cararay isbitaallada magaalada Muqdisho.