Xildhibaan ka tirsan BF oo faahfaahin ka bixiyey ‘qorshe ay DF Soomaaliya kusoo xireyso’ Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, aadna ugu dhow xukuumadda, ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya wado qirshe ka dhan ah Axmed Madoobe.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay sidii loo soo xiri lahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo dad kale oo uu sheegay inay gacan saar la leeyihiin.

“Jubaland xalkeeda dowladda Federaalka ayaa gacanta ku heysa, waa la qabanaa, Axmed Madoobe-na waa la soo xirayaa; inta gacan-saarka la lehna waa lasoo xirayaa,” ayuu yiri mar uu la hadlay Telefishinka Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabada ugu horeyso ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya ay tahay sidii loo soo xirir lahaa Xuduudda ay Soomaaliya la leedahay dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in marka lagu guuleysto xiridda Xuduudda uu Axmed Madoobe kusoo dhici doono wado cidlo ah, sidaas ay gacanta ugu soo dhigi doonto Dowladda Soomaaliya, sida uu isaga aaminsan yahay.

Mar uu ka hadlayey khudbaddii wakiilka Midowga Afrika uu ka hor jeediyey Qaramada Midoobay ee ku saabsaneyd inay Nairobi ku heshiyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Ogaadeen, ayuu sheegay in khudbadaas ay aheyd mid saxan oo u dhacday sidii uu rabay baarlamanka Soomaaliya.

“Khudbadaas waxay aheyd mid saxan, Cabdirashiid Janan yuu yahay, Axmed Madoobe yuu yahay, ma Gaaljecelaa, Maya waa Ogaadeen, waxaa heshiiyey 4 nin oo isku beel ah,” ayuu sii raaciyey Amin Jeesow.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga Xildhibaan Jeesow