Beenebeene oo go’aankii baarlamanka ku tilmaamay afduub qorsheysan oo laba dhinac ay isla ogaayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu uga hadlay go’aankii shalay wartiga loogu kordhiyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid qorsheysan oo afduub ah, “Go’anadi shirkii 2-da guddi jogto ee shalay May 25, 2020. waxu ahaa go’ano qorsheysan oo afdub ah, waliba qodobo sharciga doorashada jabiyey,” ayuu yiri Xildhibaan Beenebeene.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa intaas ku daray “Guddonka ayaa fulsaday qorsho ay waten horayna looguso heshiiyey. Xubno kamid ah guddoonka iyo Madaxtooyada oo mudo korarsi kawada shaqaynaya.”

Hadalka Xildhibaan Maxamuud Beenebeene ayaa biirinaya hadallo ka soo yeeray in badan siyaasiyiinta Soomaaliya, kuwaas oo go’aankii waqti u kordhinta guddiga doorashooyinka ku tilmaamay mid hor dhac u ah dib u dhac doorasho iyo qorshe mudo kororsi oo ay wado xukuumaddu.

Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa kulan ay shalay yeesheen waxaa looga dhawaaqay waqti kordhin loo sameeyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo la rabay in 27-ka bishan uu hor yimaado xildhibaanada golaha shacabka.

Guddiga ayaa loo kordhiyay mudo hal bil, waxaana lagu balansanyahay in kulanka golaha shacabka ay hor tagaan 27-ka bisha dambe ee June, isla amrkaana ay horjeediyaan warbixin ku saabsan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo waqtiga loo qorsheeyay inay dhacdo.