Guddoomiyaha Dayniile oo sheegay in weerar lagu soo qaaday (Daawo Video)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maamulka degmada Dayniile ee Gobolkan Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ka warbixiyey dagaal maanta ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhex maray degmadaas.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay meesha uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda ay soo weerareen dad shacab ah, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Jacfar ayaa sheegay in Ciidamada weerarka soo qaaday ay burburiyeen dhul ay daganaayeen dad shacab ah.

Jacfar ayaa xusay inay ciidamada Degmada u gurmadeen dadkaas shacabka ah ee lasoo weeraray, sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana ay ku guuleysteen inay ka celiyaan dhulkii ay boobayaan isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen ciidamadaas kuwa lasoo dirsaday.

Dagaalkii saakay ka dhacay Xaafada Cara-gaduuda ee degmada Dayniile ayaa waxaa uu sababay dhimashada in ka badan shan askari oo labada dhinac ah iyo dhaawaca tiro kale, waxaana dagaalkaas ku baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dagaalkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la isku hayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, hase ahaatee ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Hoos ka daawo Jacfar