Dagaal-yahanno Russian ah oo taageerayey KHALIIFA Xaftar oo ka cararay Tripoli

Tripoli (Caasimada Online) – In ka badan 1000 calooshood u shaqaysteyaal ah oo u dhashay Ruushka iyo Suuriya ayaa dib uga baxay furinta hore ee dagaalka ka socda caasimadda Libya, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg.

Calooshood u shaqayteyaasha shisheeye ee ka bar-bar dagaalamayay dagaal-ooge Khaliifa Xaftar waxay dib ugu gurteen bartamaha Libya kadib markii faro-gelinta militari ee Turkiga ay Dowladda Caalamku aqoonsanyahay ka caawisay in ay horumarro sameeyaan todobaadyadii dhowaa, waxayna la wareegeen saldhigga muhiimka ah ee ciidamada cirka ee al-Watiya.

Tirada guud ee xoogga ka barbar dagaalamaya Khaliifa Xaftar lama oga lakiin warbixinno hore waxay muujiyeen in kumanaan ay ka barbar dagaalamayaan labada dhinac ee colaadda Libya.

“Diyaarad militari oo nooceedu yahay Antonov 32 ayaa soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Bani Walid, si ay u u billaabaan daad gureynta calooshood u shaqeystayaasha kooxda Wagner Group, oo ka cararay koonfurta Tripoli, una qaaday goob aan la aqoon,” waxaa sidaas twitter-ka ku qoray ciidamada taageersan dowladda.

Bishii tagtay, werbixin loo diray Golaha Ammaanka, ayaa khuburada QM waxay ku taageereen warbixino warbaahinta Mareykanka ay ku sheegeen in kooxda Wagner, oo ah urur leh ciidamo sida mlitariga u tababaran, kuna dhow madaxweyne Vladimir Putin ay dagaal-yahano taageeera Khalifa Haftar u direen Libya.

Ku dhawaad 1,500 calooshood u shaqaysteyaal Ruushka iyo Suuriya u dhashay ayaa gaaray deegaanka Bani Walid oo 180km u jira magaaladda caasimadda ah waxayna kasoo duuleen garoonka diyaaradaha ee Juffra oo ay heystaan xoogagga Khaliifa Xaftar.

Calooshood u shaqaysteyaashu weli waa ay ku qul-qulayaan Bani Walid. Duqa magaaladda Salem Alaywan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dhex-dhexaad ka noqdaan dagaalka ismarkaana ay diidanyihiin joogitaanka ciidanka shisheeye.

Lama oga sababta ay ciidankaasi uga baxeen furinta dagaalka kadib markii uu Xaftar uu cusbooneysiiyay baaqiisa ah in lala dagaalamo ciidanka Turkiga ee caawinaya Dowladda Caalamku aqoonsanyahay.

Sidoo kale sabtigii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Telefonka kula hadlay madaxweyne Erdogan waxaana uu ka dalbaday in colaadda deg-deg loo damiyo.

Wada-hadalka labada hoggaamiye waxaa uu yimid kadib markii ciidanka Xaftar laga saaray garoonkii keliya ciidanka cirka iyo magaalooyin muhiim ah.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in dagaalka ay ciidanka Libya soo cubooneysiiyeen uu labada dhinacba u suurta gelin karo in ay dib u bilaabaan wada xaajoodkii xabad joojinta.

Dadaaladda caalamiga ah ee la doonayay in lagu joojiyo colaadda Libya ayaa guul dareystay sanadkan horraantisii.