Xog: DF Somalia oo lacag ku bixineysa xiisada Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso khilaafka iyo bur-burinta maamulka Puntland.

Dhowaan ayaa Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay dhibaato iyo faro-gelin ku hayso arrimaha Puntland, waxaana dhaliishiisa ay gaartay heer uu si dadban ugu eedeeyo qaraxyo ka dhacay Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale dhawaan BBC-da ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday iney la macaamisho dadka hoose ee Puntland, sida odayaasha, ganacsatada iyo siyaasiinta halkii ay aheyd iney maamulka la shaqeyso.

Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed uu dowladda Soomaaliya wakiil uga yahay abaabulka kacdoon ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale waxaa arintaan qeyb ka ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadda khilaaf culus kala dhaxeeyo Deni, ganacsato, odayaal iyo siyaasiin kale.

Ujeedka ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya arintaan ka leedahay ayaa lagu sheegay in la fashilo Madaxweyne Deni si loogu eedeeyo inuu isku wadi waayay Puntland kadibna la gaarsiiyo baarlamaanka si ay Kalsoonida ugala noqdaan.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale sidan oo kale waxay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Camey ugu kicisay madaxweyne Cabdiweli Gaas, kadibna ku abaal-marisay xilka safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.

Xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa hore dhowr jeer dowladda Soomaaliya ku eedeeyay iney bur burineyso maamul gobaleedyada, si ay u geysato kuwa ku xiran Villa Somalia.