KHAYRE oo digniin culus kasoo saaray qorshe ay Villa SOMALIA damacsan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka digay qorshaha ay haatan waddo Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah ee dalkeenna Soomaaliya.

Khayre ayaa sheegay in halis weyn ay ku geedaman tahay damaca madaxtooyada, isaga oo sheegay in arrintan ay keeni karto xasilooni darro iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

“Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in xilligan aan la joojin xilli lagu mashquulo siyaasad, loona baahan yahay in loo midoobo difaaca dalka, si looga hortago duulaanka Itoobiya.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ka dalbaday inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni karo khilaaf horleh.

“Dadka Soomaaliyeed waxay maanta meel uga soo wada jeedaan damaca iyo duullaanka ay Itoobiya ku doonayso baddeenna, mana jiro xilli aan maanta uga baahi badannahay midnimo iyo isku-duubni. Waxaan Madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala dhantaali kara wadajirka iyo dareen-wadareedka Ummadda” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray xildhibaannada labada gole, isaga oo ugu baaqay inay inay ilaaliyaan amaanada iyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, wuxuuna si gaar ah uga dalbaday in aysan halis gelin mustaqlka dalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”

Waxaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan ammaanada iyo masuuliyadda culus ee ay u hayaan Dalkeenna iyo dadkeenna, oo aysan lumin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan tallaabo kasta oo halis gelin karta mustaqbalka Dalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya” ayuu ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la filayo in xildhibaannadu ay meel-mariyaan wax ka beddalka Dastuurka oo ay horay uga digeen Farmaajo, Shariif iyo madax kale.