Xasan oo lumiyay aqlabiyadii BF iyo xukuumadda R/W Xamza oo halis ku jirta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa shirar xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kuwaas oo soo saaray war-saxaafadeed ay kaga soo horjeedaan qorshaha xukuumadda oo dooneysa in maanta wax laga bedelo qodobo ka mid ah dastuurka dalka.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xildhibaanadu ay shalay illaa xalay sameeyeen ayaa muujinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ay lumiyeen saaxiibtinimadii baarlamaanka, taas oo khatar gelin karta xukuumadda, maadaama aysan baarlamaanka ka heysan cod ay isku difaacdo.

Guddoonka labada aqal ee BFS ayaa la aaminsan yahay inuu la dhacsan yahay qorshaha madaxtooyada ee wax looga bedelayo dastuurka, waxaana xildhibaanada labada aqal lagu war-geliyey in berri ay isugu yimaadaan kulan wadajir ah, si loo ansixiyo wax ka bedelka dastuurka.

Xildhibaanada Muqdisho ku shiray oo aad u badan ayaa caddeeyey mowqifkooda qorshaha xukuumadda ee wax ka bedelka dastuurka, iyagoo ku dooday saddex qodob oo kala ah:

1- In xukuumaddu ay ka faa’iideysaneyso xildhibaanada mucaaradka ah kuwoodii ugu badnaa oo ka maqan Muqdisho, kuwaas oo kala jira Garoowe iyo dalka dibadiisa.

2- Inay dood ka qabaan kulamada labada gole ee sida wadajirka ah loo qabto, maadaama uusan jirin xeer hoosaad mideynaya, kuwaas oo u baahan in sida ay u dhacayaan laga soo saaro xeerar sharciga waafaqsan.

3- Iyo in qodobada qaar ee ku jira daatuurka ee wax laga bedelayo ay dood culus ka taagan tahay, kuwaas oo xukuumaddu dooneyso inay ka ansixiso baarlamaanka.

Ugu yaraan 70 xildhibaan oo qaarkood muxaafid ahaa, kuwo mucaarad ah iyo xildhibaano dhexdhexaad ahaa ayaa ka soo muuqday kulamadii shalay, halka kuwo kale ay saaka ku soo wajahan yihiin Muqdisho, si ay kaga qeyb galaan kulanka wadajirka ah ee baarlamaanku ku ansixinayo qorshaha wax ka bedelka dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay ula kulmay siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaas oo talooyin badan ku biiriyey qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka, balse waxay u muuqataa in xukuumadda Xasan Sheekh ay isku miidaamineyso go’aankeeda, iyadoo aan ku tashaneyn codad badan, ayna muuqato in mucaaradku ka dhaqdhaqaaq badan yahay.

Madaxda dowladda federaalka, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoonka baarlamaanka ayaa lagu dhaliilayaa qorshahaan ay gadaal ka riixayaan ee wax ka bedelka dastuurka, xilli uu dalku ku jiro mar xalad xasaasi ah oo khilaaf qarka i saaran gacan ka hadal uu ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya.