Khayre oo Guriceel ku sii jeeda iyo ciidamo gaaray

Cadaado (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku sii jeeda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Qaban qaabo iyo dhaweyn ballaaran oo loogu jiro Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan si aad ah looga dareemayaa gudaha magaaladaasi.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona ay xaqiijiyanaan Ciidamada GalMudug iyo kuwa ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaare Khare oo gaaray halkaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaaruhu marka uu tago Guriceel inuu la hadlo shacabka  degmadaasi oo haatan ay ka jiraan xaalado ammaan iyo mid nololeed intaba.

Ra’iisul wasaare Khayre oo muddo ku dhow todobaad ku sugan GalMudug ayaa horay u booqday degmooyinka Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Intii uu ku sugnaa magaalooyinkaasi ayaa waxaa uu la kulmay qeybaha kala duwan ee ku dhaqan degmooyinkaasi.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa dadaal ugu jira, sidii loo dhameyn lahaa xiisadaha siyaasadeed ee ka jira dowlad goboleedka GalMudug.

Shalay Khayre iyo Xaaf ayaa heshiis muhiim ah oo ka koobnaa shan qodob ku gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu tilmaami karo guul ay dowladdu ka gaartay arrimaha maamulkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com