Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu Ra’isulwasaare kheyre ka wado Caabudwaaq

Caabudwaaq (Caasimadda Online) – Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa Caawa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan oo ku aadan, sidii loo dhameyn lahaa kala qeybsanaanta dowlad goboleedka Galmudug, loona qaban lahaa dib u heshiisiin iyo doorasho lagu soo dhiso dowlad ay dhinacyada u dhanyihiin.

Inta badan xildhibaanada laga soo doorto Caabudwaaq ayaa ku sugan Magaalada , waxaana halkaasi ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Guud.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Caabudwaaq gaaray  ayaa kulamo kala duwan leh Madaxda maamulka Galmudug oo ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Magaalada Caabudwaaq ayaa sidoo kale waxaa ku sugan waxgarad kala yimid degmooyinka maamulka Galmudug, waxaana dhammaantood ay kulamo kala duwan la leeyihiin Madaxweyne kuxigeenka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Odayaasha kasoo jeedl Cabudwaaq ayaa la sheegayaa inay Ra’isulwasaaraha iyaga hor dhigi doonaan qodobo xasaasi sidii dhacday Markuu Ra’isulwasaaraha tagay Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneyso iny Galmudug ka dhisto maamul daacad u ah isla markaasna ku shaqeeyo sida ay dowladda rabto, taasoo ah dooda ugu badan ee dhex taagan siyaasiyiinta mucaaradka iyo Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in maalinta berri ay gaaraan deegaanka Guriceel, halkaasoo ay si weyn uga socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com