Khayre oo la kulmay Xaaf kuna sii jeeda Caabudwaaq

Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado.

Ilo ku dhow kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in diirada lagu saaray khilaafka u dhexeea dowladda federaalka iyo maamulkaasi.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha doorashada oo la filayo in la qabto bisha July ee soo socota.

Lama shaacin natiijada rasimiga ah ee ka soo baxday shirkan, balse waararka qaar ayaa sheegaya in inta badan la’isku afgartay waxyaabihii laga wada hadlay.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro oo hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha ayaa gaaray magaaladaasi.

Qaban qaabo iyo soo dhaweyn ballaaran ayaa  laga dareemayaa degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, iyadoona si aad ah loo adkeeyay ammaanka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkaasi.

Muddooyinkii dambe xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaallo xoogan oo lagu dhameynayo khilaafka Galmudug ka waday deegaanada maamulkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com