Sawiro: Saraakiil kasoo goostay Somaliland oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyey Garoowe

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somailand kadib markii ay Garoowe Maanta gaareen Saraakiil ka tirsanaa Somaliland iyo Guddoomiyihii Gobolka Sanaag.

Saraakiishaan oo kasoo goostay Somaliland ayaa waxaa soo dhaweyn aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe, iyadoo soo dhaweynta ay ka qeyb galeen dadweyne badan oo sitay ubaxyo iyo Calanka Puntland.

Saraakiisha isku soo dhiibay Puntland ee gaaray Garoowe waxya kala yihiin:

1) G/sare Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere)

2) G/sare Xayle xaaji Diraac

3)  Cali Xuseen Maxamed guddoomiyihii gobolkaas ugu magacownaa Somaliland iyo saraakiil kale.

Saraakiishaan iyo Mas’uuliyiintaan ayaa ka yimid dhinaca Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag oo ay ku sugnaayeen tan iyo markii ay isku dhiibeen Maamulka Soomaaliland,waxaana garoowe kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada.

Waxaa soo dhaweynta ka qeyb qaatay Saraakiisha hoggaamiso Ciidamada Daraawiishta Puntland, waxayna soo dhaweyntaas u muuqatay mid dhoolatus ah oo farriin loogu dirayey Maamulka Somaliland.

Waxaa Magaalada Garoowe ka socoto qaban qaabo heer sare oo la doonayo inay saraakiishaan kula kulmaan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Saraakiishaan soo goostay iyo Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inay si wadajir ah uga hadlaan dagaalka ka dhaxeeyo Somaliland iyo Puntland.

Tallaabadaan ayaa la rumeysan yahay inay sii xumeyn doonto muran xudeedeedka u dhaxeeyo labadaan maamul oo muddo badan uu dagaal ka dhaxeeyey.